Awdalchroniclenews(Mogadishu) 15 Oct.10–Dagaal dhex maray maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sababay in ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegaan gacan ku heynta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada Ahlu Sunna ee weerarka ku soo qaaday degmada Cadaado ayaa la sheegayaa inuu hogaaminayay nin magaciisa ku soo koobay Ilkacase kaasoo ciidamada uu hogaaminayay ay magaalada weerar kaga soo qaadeen dhinaca tuulada Xeraale iyo jidka laamiga ee ka yimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dad goob joogayaal ah oo Bar-kulan xiirir la sameeysay ayaa xaqiijiyey in dagaalka ay ku dhinteen labo ka tirsan ciidamada booliska ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo sidoo kale nin ka shaqayn jiray matoorka biyaha siiya dadka degan degmaada Cadaado.Wararka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii maamulka Ximan iyo Xeeb ay magaalada iskaga baxeen kadib markii laga awood batay iyagoo la sheegayo in ay uga baxeen dhanka waqooyiga.
Dhanka kale wararka haatan ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in xaalada magaaladu ay haatan degan tahay iyadoo suuqayada magaalada ay si caadi ah u shaqaynayaan.
Dagaalka ka dhacay magaalada Cadaado ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyagoo magaalada lagu afduubtay labo nin oo mid ka mid ah uu ahaa shaqaale ka tirsan hay’adda samafalka ee Save the children halka kan kalena uu ahaa maamulaha huteelka Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Bar-kulan