
Magaaladu waxay gacanta u gashay Shabaab oo muddo gaaban magaalada meelo kala duwan ka taagay calan madow, ayaga oo ku dhawaaqaya Allahu Akbar.
Laakiin ka dib markii gurmad ka yimid Guri Ceel iyo Cadaado uu soo gaaray ayay ka baxeen magaalada.
Warkaas waxaa laga soo xigtay dad ka qaxay Dhuusamarreeb oo hadda ku sugan Guri Ceel, laakiin ilo madax bannaan oo xaqjiiyay ma jiraan.
Ahlu Sunna maanta ayay dagaal uu Madaxweyne Shariif ku tilmaamay in uu yahay Munkar waxay ku qaadday magaalada Cadaado.
Hase yeeshee warar laga soo xigtay dad reer Cadaado ka soo jeeda oo Muqdisho jooga waxay sheegayaan in Ahlu Sunna ay isaga baxday magaalada ka dib markii laga qabsaday Dhuusa Marreeb.
Madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa hadda la sheegay in ay ku sii jeedaan magaalada Cadaado.BBC