HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Tuesday, October 12, 2010

Aqooonyahanka Reer Awdal oo markii ugu horeysay waraaaq ka dhan ah Somaliland u gudbiyey Xafiiska sare ee UNta ee ku yaala wadanka Maraykanka.

Aqooonyahanka Reer Awdal oo markii ugu horeysay waraaaq ka dhan ah Somaliland u gudbiyey Xafiiska sare ee UNta ee ku yaala wadanka Maraykanka.

Newyork(Saylac.com)- Qoraal dheer oo ka dhan ah Jiritaanka Somaliland ayey markii ugu horeysay aqoonyahanka reer Awdal u gudbiyeen xafiiska sare ee UNtu ku leedahay magaalada New York ee cariga maraykanka. Qoraalkan oo nuqulkiisu soo gaadhay shabakada saylac.com ayaa waxa uu ka hadlaayey tacadiga siyaasadeed ee ka taagan Jamuuriyada Somaliland iyo sidii rayulcaalamka loo tusi lahaa sida daran ee xukumada somaliland ay ugu tumatey xuquuqda dadka muwaadinka ah ee Somaliland.
Qormadan oo ahayd mid ku qoran luqadaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabi ayaa nuqulo ka mid ah loo gudbiyey xafiiska UNta iyo Makaxakamada Aduunka. Shabakada saylac.com oo u guurgashay sababta keentey in wakhtigan aqoonyahan reer Awdal uu qoraalo ka dhan ah Somaliland sameeyo isla markaana u gudbiyo wadamada dibada ayaa waxaanu ogaanay in aqoonhayanka reer Awdal ay ka cadhoodeen talaabooyinka halista ah ee dawlada cusub ee Somaliland ay ku kala faquuqayso shacabka somaliland isla markaana culays iyo cadaadis cago juglayni la socoto ku hayso gobolada Awdal iyo Selel.
Waraaqahan ka dhan ka ah Jiritaanka Somaliland oo ay iska kaashadeen 3 aqoonyahan oo waxka dhiga Jaamcadaha dibadu waxay ka turjumayaan dooniska dadka reer Awdal waxayna rayul caalamka u sheegayaan in aanay cadaalad ka jirin Jamuuriyada Somaliland taniyo mudadii uu madaxtinimada dalka qabtey Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu wadanku galay mugdi iyo beelaysi halis galin kara jiritaanka Somaliland.
Sidoo kale aqoonyahanada waraaqda qoray waxay saylac.com u sheegeen inay nuqulo kale u kala gudbiyeen Safaaradaha dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Norway, Itoobiya, Canada iyo Sacuudigu ku leeyihiin dalka Maraykanka.
Nuxurka waraaqdan loo gudbiyey wadamada caalamka waxa ka turjumayey in caalamka loo bandhigo  marxalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay Jamuuriyada Somaliland oo ah in xukumada somaliland ayna faraha ku wada hayn sugida xuduudha dalka isla markaana ayna dadku ku wada qanacsanayn saami qaybsiga baarlamaanka iyo golaha wasiirka intaba oo ay sheegeen aqoonyahanadu in 90% ay kasoo jeedaan beesha Isaaqa.
Qoraalka ree Awdal ay markii ugu horeysay u gudbiyeen safaaradaha caalamka waxa kale oo garab socday qoraal iskaguna lamaaneeyey oo ay qoreen aqoonyahano kale kaso jeeda Sool iyo Sanaag oo isaguna tibaaxayey in gobolada bari ay ka taliyaan ciidamada SSC isla markaana ayna aqoonsanayn wax lagu sheego somaliland.
Waa markii ugu horeysay ee aqoonyahan reer Awdal ahi ay qoraan cabasho ka dhan ah xukumad somaliland ka dhisan isla markaana ay halis galiyaan jiritaanka Somaliland.