HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Monday, October 11, 2010

SANAD GUURADII 10 AAD EE KA SOO WAREEGTAY DILKII GEESIGII REER AWDAL GENERAL YUSUF TALAN

AWDALCHRONICLENEWS  oct 10 /2010 waxay ahayd maalin modaw oo aad u foolxun ninase ma filayn inay dhicici doonto waxay ahayd OCT:18-2000, waxan wayney HERO GENERAL YUSUF TAlAN oo ah maanta sanad guuradii 10 aad ee ka soo wareegtey  dilkii foosha xumaa kadib markii niman hubaysan ay ku khasbeen inuu raaco balse uu iska diiday ay rasaas oogta kaga qaadeen hadaba dadka reer awdal iyo salal ayaa waxay caleemo qoyan dhigayaan xuskiisa,
waxanan u dhisi doonaa taalo ay ku xasuustaan jiilalka danbe ee reer awdal iyo salal,

 Hadaan wax is ka waydiino general Yusuf Wuxu ahaa nin qaali ah oo somaali oo dhani ay waydey waxase wakhtigan xun si gaar ah u waayey dadkiisa reer awdal iyo salal wuxu u halgamaayey xal u helida qarankii burburay ee somaliyeed,
wuxuuna u shihiiday umada soomaaliyeed oo aan weligeed ilaawin doonin,
General Yusuf wuxuu inbadan isku dayey inuu ka fogaado khilaaf siyaasadeed oo dhex yiil qabiilkiisa Gadaboorsi oo in badani doonaysay nidaamka somaliland inbadanina doonaysay soomaliya waxa se u cuntami waayey in hal qabiil wada qaato talada somaliland oo aan imikaba wada aragno waxa ka dhacaaya waxuuna go'aansaday inuu taageero somaliweyn mase ahayn mid layaab ah maxaa yeelay dadka indheer garadka ka ah ee ka soo jeeda qabiilkiisa gadabuursigu waxay taageersanaayeen somaliya  marnaba kuma ay qanacsanayn nidaamka ay ku socoto somaaliland oo aan isku dheeli tirnayn sida loo qaybsaday awooda haday tahay baarlamaan iyo haday tahay wasiiro  waxa se taa ku diidanaa dadyar oo dana gaar ah ku watay somaliland iyo odayada gadabuursiga oo doonayn inay wajihaan hadana colaad sokeeye oo dhex marta iyaga iyo deriskooda laakiin waxay ila tahay inay salaadiinta samaroon ay imika aqoonsadeen inaan dhinac kaliye nabada somaliland laga dhisi karin ilaa reeraha kalama qadariyaan nabad ku wada noolaashaha,

Hadaba waxa is waydiin mudan YAA KA DANBEEYEY DILKII Genaral Yusuf Talan?
 Sida aan la socono Soomaaliya waxaa lagu dilay dad badan oo u badan culamaa’udiin, aqoonyahano, Saraakiil ciidan, samalfale, ganacsade iyo in badan oo aan magac (degree) wadan balse gardaro lagu gumaaday, dilalkaas fool xumada leh ayaa wali laheyn cida ka danbeysa si loo taago xukun cadaalad leh maadaama ay ayagu yihiin kuwa daba gura inta yar ee dalka ka muuqata .

Dilalkaan oo ahaa kuwa qorsheysan hadana aan horey loo arag ayaa ilaa iyo hadda laheyn cidda ka danbeysa dilalkaas qorsheysan waloow ay jiraan shakiyo iyo far ku taag badan oo laga muujiyey kuwa ka danbeeya dilalkan, balse ilaa hada ayaan dhicin akhristow in dhib la gaarsiiyo ama la gaarsiiyay kuwa umadda aafada u soo jiiday oo ay ugu horeeyaan qab qablayaasha dagaalada ooga, qaadicul dariiqyada dadka furta iyo kuwa qeyraadka dalka ku iibsada qiimo aan qaayo ku fadhiyin.
Hadaan hadaba ka jawaabno yaa dilay general yusuf talan ? sida aan rumaysanahay ama dadbadani qabaan amase ila xog ogaal ahi sheegeen waxa ka danbeeyey SOMALILAND IYO EITHOPIA oo iska kaashaday kuna bixiyey lacag si loo dilo general ka dawlada eithopia waxay hore uga digtay yusuf talan inuu qas ku abuuro somaliland markii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990 kii talan iyo saraakiil badan oo reer borama ah oo u soo socday inay yimaadaan dhulkii ay u dhasheen waxa laga afduubay dhexda waxana shiraako ku ahaa afduubkaa General caydiid oo xidhiidh la lahaa SNM  iyo dawlada eithopia oo labadaba xidhiidh la lahayd waxayna u xusul duubayeen inaanay saraakiisha ciidamada ee gadabuursigu ayna abaabulin wax ka soo hor jeeda SNM waxayna afduub ku kaxaysteen General yusuf oo mudo danbe ay soo daayeen waxayna la galeen heshiis inuusan isku dayin inuu ka hor yimaado jabhadii QABIILKA KA KOOBNAYD ee SNM sidaa ayuu General yusuf iskaga ilaaliyey inuu ka hor yimaado Somaaliland, hadaba markii siyaasada soomaliya waji kale yeelatay waxyaaba badanina iska bedeleen wuxu isku dayay inuu hadaba la jaan qaado isagoo og in eithopia iyo somaliland ay isku xidhan yihiin, waxa kaloo marag ma doon ah dilal badan oo ka dhacay muqdisho oo loo gaystay saraakiil ciidamadii hore ee soomaliya kuwoogii ugu qaali sanaa inay ka danbaysay Eithopia oo halgan ugu jirtay inay dhamayso saraakiishii hore ee soomaaliya,

Waxase aan marna la ilaawi karin ma'aamaradii qorshaysnayd iyo DILKII LOO GEYSTAY GENERAL YUSUF AXMED TALLAN, waxan maqaalkayga ku Soo gunaanadayaa in somaliland marna dafiri karin door ku yeelashada dilalka qorshaysan ee ka dhaca soomaaliya waxana moron ku jirin in maalin uun cadaalada la hor keeni doono kuwii ka danbeeyey dilkiisa.