HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Friday, October 22, 2010

Mahad Celin iyo Bogaadin

GENERAL YOUSUF TALAN ALI, WAA LAMA ILAAWAAN:
---================================================
Inkasta oo ay aheyd in mar hore arrintan mudnaanta gaarka ah leh lagu talaabsado; haddana, waxba ma leh
oo wax kasta oo ad jeceshahey uma qabsoonto sida ad rabtid iyo waqtiga ad doonayso,waxeyse qabsoontaa
marka Ilaahey aqbalo. Waxaan filayaa in ay maanta tahey maalintuu Ilaah ina karsiiyey in loo guntado arrinkan
nooleynta magaca G.Yousuf Talan Ali, allaha janadii ka waraabiyo.
It is never too Late! Waa in halkaa lagaga hadhin ee sida ay tahey loo meelmariyo,
Waxan si gaar ah ugu mahad celinayaa inta isku hawshey ee an hubo in dadaal iyo waqti badan u hureen
Ilaaheyna ha ka jasaai siiyo.
Waxan hubaa in ay jiraan dad kale oo farabadan oo hamiga ku hayey, marnaba aanu G Talan maskaxdooda
ka faaruqin, Sida, Mustafe Abdillahi Warsame, oo web site aan hore loo aqoon an ku arkey maqaal ah
Taariikhdii G Talan, maalma yar uun ka hor tan Ottowa.
Si kastaba ha noqotee reer Ottowa guud ahaan iyo gaar ahaan intii sida tooska u wadey,mahad,qadarin iyo bogaadin ayey mudan yihiin. Ballankeenu waa ka qeybgal RUN ah.
Waad salaaman tihiin dhamaan.
 
 
By Abdi Geireh     Awdalchroniclenews