Awdalchroniclenews.com.October 19,2010 -Xus Loo Sameeyay Gen.Tallan Oo Ka Dhac-ay Canada Iyo Urur Magaciisa Xambaarsan Oo Lagu aasaasay canada,otawa markay ay taariikhdu ahayd October 17, 2010 waxaa magaalada Ottawa ee dalka Canada lagu qabtay munaasibad si fiican loo soo diyaariyay oo lagu xusayo sanad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay dilkii loo gaystay lahaa ee loo gaystay General Yuusuf Talan Cali.
Dilkaas oo ay hadda kasoo wareegtay 10 sano ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya, Munaasibadaas oo aad looga sooqayb galay waxay isugu jirtay laba qaybood:
1) Xuskii iyo taariikhdii General Yusuf Talan Cali
2) Assaaska urur loogu magacdaray Talan Foundation for Human Rights
Munaasabada oo si weyn la isugu dubariday oo uu hagayay Xasan Cabdi Aden ayaa waxa kazoo qayb galay dadaweyne aad u tiro badan oo kasoo jeeda gobolada Awdal, salal iyo Gabiley kuwaasoo ka yimid gudaha iyo daafaha magaalada Ottawa.
Xidhiidhiye Xasan waxa uu hortaba kusoo dhaweeyay makrofonka Sheekh Maxamed Xuseen Hadi si uu akhriyo aayadaha quraanka ee lagu furayay madasha uu shirku kasocday quraankii kadib ayaa waxa hortaba hadlay ugaaska beesha Samaroon Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble isagoo dadkii halkaa isugu yimid ku adkeeyay inay ilaaliyaan midnimada iyo walaaltinimada wuxuuna erayo kooban oo duco ah kusoo xidhay hadalkiisii.
Prof Axmed ismaacil Samatar oo kaga soo qayb galay shirka hadal cod ah isaga oojooga dalka maraykanka ayaa sheegay in Gen.tallan uu darajadiisa ku helay aqoontiisa iyo kartidiisa Samater oo hadda ah guddoomiyaha golaha tolka oo xaruntiisu tahay dalka maraykanka wuxuu intaa ku daray inuu genenku ahaa nin hawlkar ah.
Aqoonyahanadii ka hadlay goobtii xuska waxa iyaguna kamid ahaa Xaaji Cumar Cabdi Cige oo ah nin ay generalka aad isugu dhawaayeen wuxuuna qayb ahaan soo bandhigay taariikhdiisii oo u aad ugu dheeraaday.
Cabadiraxmaan Cumar Cigaal iyo Xildhibaan Cabdikariim Cige Guuleed ayaa iyaguna aad usoo sheekeeyay taariikho aad u badan oo ay ka hayeen Allaha unaxariistee Gebneral Yuusuf Tallan Cali waxaana ay dadka xasuusiyeen arrimihii iyo kulanadii ay lawadaageen general Tallan.
Waxaa mikrafoonka la wareegay Jaamac Cismaan Geele oo iska lahaa fikirka xusida Jananka wuxuuna goobta kusoo bandhigay taariikhdii jeneral Tallan iyo ooridiisa khadra Cabdi Cilmi wuxuuna micno gaar ah ka bixiyay
Ujeedada loo asaasay ururka iyo wuxuuna si weyn uga dheeraaaday taariikhdiisii isagoo bandhigay cajalad cod ah oo uu duubay general tallan sannadkii 1999kii, waqti shir kadhacay magaalada gatineau uu kaqayb galayay cajaladaas oo markii ladaawaday waxa ay dadkii ku abuurtay dareen iyo fikir xusuus lama ilaawaan reebtay.
Cibaada Xuseen oo ah xubin ka tirsan golaha weyn ee tolka ayaa iyaduna halkaa ka akhriday labo gabay oo mid si farriin ah ay usoo gaadhsiisay Rooda Mizaan midna y iyadu ku darsatay munaasibadaasi
Ugu dambayntiina waxaa iyaguna madasha ka hadlay Miss Anita Vandenbeld oo ka tirsan xisbiga Liberaalka ee Canada iyo Mudane Cabdiraxmaan Cumar Kaahin wuxuuna cabdiraxmaan soo jeediyay in loogu ololeeyo in Gen.Tallan loo bixiyo magaciisa mid kamid ah waddooyinka magaalada Ottawa.
Sida dad badan ay xusuustaan allaha unaxariistee General Yuusuf Tallan Cali waxa uu ka qayb galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaliyeed ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka jabbuuti sannadkii 2000 markii la yagleelay dawlad ku meel gaadh ah waxa Gen.Tallan kamid ahaa saraakiishii millatari ahaan uraacday si ay usiiyaan fikradahooda ciidamada la dhisayo waxana General Yuusuf Tallan Cali lagu dilay magaalada muqdisho 17kii oct 2000.
Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Ottawa