HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Thursday, October 14, 2010

MADAXWEYNE SHARIIF OO SOO MAGACAABAY RA'IISAL WASAARE CUSUB

Muqdisho:(Awdalchroniclenews ) OCT:14 Ra'iisal Wasaaraha Cusub ee Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa warbaahinta siiyey hadalkiisii u horeeyey tan & markii galabta xilkaas loo magacaabay,waxaana uu sheegey inuu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabay oo uu sheegey inuu yahay mid culus.

Mr,Farmaajo wuxuu sheegey in Qorshayaasha uu rajeynayo inuu ka bilaabo shaqadiisa ay Kaalinta Koowaad ka dhigi doonaan Hor’umarinta Amaanka oo uu sheegey inay tahay mid muhiim ah,waxaana uu sheegey in Amaanka Muqdisho & guud ahaan dalka uu waxbadan ka qaban doono inkasta oo ay Dawladu meelo kooban maamusho.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub wuxuu sidoo kale Sheegey inuu ku dadaalayo iskuxirka Laamaha qaran ee Soomaaliya taas oo uu sheegey inuu ka bilaabayo wadashaqeyn ay xukuumadiisu la yeelanayso Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya kuwaas oo uu ka codsaday inay la shaqeeyaan.