
SULDAANADA HARGEYSAADOW WAXAN IDINLEEHAY CAGTA U YARA DHIGA AWDAL
Suldaannada Reer Hargaysaad midkood waxaan leenahay waan kaa aqbalay taladii aad noo soo jeedisay haddii aannu nahay reer Awdal. Laakiin Suldaan, hajabaadda naga daaya .waxase wanaagsan in aad marna Reer awdal la hadasho oo aad u sheegto wixii aad isleeday way ku qaldanyihii, marna aad u hadasho oo waxa ay ka cabanayaan bal in yar aad si fiican u yara dhegaysato. Oday Siilaanyona waxaa wanaagsanyd in aad woxoogaa u caqli celisaan oo aad u sheegtaan meelaha boogaha leh, si uu farta uga ilaaliyo. Waddanka iyo jirtaankiisuna waxa uu ku qurux badanyahay in si wanaagsan cid kastaa ugu noolaato iyada oo waliba daacad dareemaysa, oo aanay cidina aaminsanayn in cidba ka xigto waddanka amma ka sheegan kartaba. “Sarmo badan dhibiibi baa lagga qaadaa” dhibiibiduna waa dhiig bax, looma baahna in meelo badan la iska saro, waxaan ku baaqayaa oo aan ku talin lahaa in cabashooyinka jira loo dhaga nuglaado oo sidda ugu deg dega badan wax looga qabto, maal iyo mansab dadka ma wadda deeqo laakiin ummadda waxaa wadda deeqa waa cadaalad iyo sinaan, cadaaladuna waa furaha nolosha, noloshuna cadaalad la,aanteed mid dhismeysa maaha, haddii aan tilmaam iyo tusaale gaaban ka bixiyo dhinaca cadaalada waxa weeyi dawladii macalinka kacaanka halkey u dhimatey waxey ahayd cadaalad daro iyo dad muwaadiniin soomaaliyeed ah oo xaq wixii ay u lahaayeen laga duudsiye, maantana Somaliland uma baahna in ay jidkaas oo kale ku dhacdo, bulshadda caalamku waxey inagu daawanayaan diirad gaara waxaa loo dhaga nugul yahay oo beesha caalamku la socotaa jabaqda dhacda iyo talaabiiyinka aynu qaadno, waa in aan si mideysan u xoojino
1- Nabadda
2- Cadaaladda
3- Sinaanta
4- Ixtiraamka iyo
5- Kala dambeynta
Run ahaantii waa la inoo hanweyn yahay ee yaynaan noqon doqontii xabadii laxooxda ahayd ee ugu dambeysey ka kacda, aniga oo xog ogaal u ah isbadalada siyaasadeed iyo doorashooyinkii dalka ka dhacey waxaan leeyahay ismaan lahayn waxaad maanta ka hadli doontaa amniga iyo sinaanta ee waxaa ii diyaarsanaa oo aan daraasad dheer ku sameynayey sidii aynu u sii anbo qaadi lahayd kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha aasaasiga u ah jiritaanka bani,aadmigga laakiin waxaa i qalin daarey oo iga horjoogsadey talooyinkii aan xukuumadda jirta ku soo kordhin lahaa ee dhinaca dhaqaalaha, horumarka, macdanta dhulka iyo abuuristii shaqada dhalinyarada iga soo dhex galey sanqadha baxeysa ee ka baxeysa labada cidhif ee Somaliland, taasna mid aan diyaar u nahay maaha, waxaan ku talin lahaa maddax meel u sareysa oo la salaaxaa ma jirtee arrimahaas in si wanaagsan loo xaliyo oo qof kasta oo Reer Somaliland ah xaqiisa oo xalaal ah la siiyo si aaney sanqadhaasi u sii socon waxaanan xukuumadda Somaliland kula talinayaa in ay hoos u eegaan dhaliilaha iyo cabashooyinka ay tabanayaan dadka degan Awdal iyo Salal waxaa kale oo aan xukuumada ugu baaqayaa in ay u dhago nuglaato hadalada wanaagsan ee ka soo baxaya salaadiinta Gobolada Awdal iyo Salal, Waxaanan si buuxda u taageersanahay go,aankii ay gaadheen Salaadiinta iyo maddaxdhaqameedka Gobolada Awdal iyo Salal”.
ugu danbayn waa in xukumada Somaliland ogaataa in dalkan aanay cidkaliya ahi ku amar ku taaglayn karin ee la wada leeyahay dadkana ay isku keentey dan guud oo ka dhexaysi hadii dantaa la waayana ay arintu ku danbayn doonto in lala kala noqdo wixii lagu heshiiyey oo ahaa midnimada Somaliland oo cadaalad ku dhisan.
Haddiise dhinac kali ah uun aad u wada dullaantaan, mid dawlada iyo mid suldaan ahba waxaan u arkaa in aanay ahayn cadaaladdii ahayd( qul lil xaq walow kaana mur), laakiin ay tahay caadifad qabiil.
Madaxwyanuhuna lababa wuu samayn karaa inuu ummadda uu hoggaaminayo ummaddiisa bara waddaninimada, walaalnnimada iyo akhlaaqada wanaagsan sidii ninkii la odhan jiray Nayreeri ee Tanzaniya xukumi jiray. Madaxweynahaasi waxa uu dadkiisa ( muslimeen iyo gaalaba ) ka wada dhaadhiciyey in ay yihiin dad walaalo ah oo waddanka wada leh. Oday dhaqameedyaduna ay dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka fiirsadaan oo aanay dawladnimada iyo nidaamka bulsho qas gelin.
Laakiin waxaa nasiib darro ah in suldaannadii bahwaynta somaliland ay mar kali ah u kala hadhiwaayaan canaanta Suldaannada Reer Awdal, ee runtii ka hor tegay mudaaharaad dhici lahaa maalintaasi oo iyagu isku xilsaaray in ay joojiyaan, ka dibna ka hadlaan tabashada Reer Awdal. waxaase ka sii xun reer awdalka mucaaradada sameeyey suldaanka ku taliyey awdal oo dhan Ethopia laga kareeyo. Taasi oo aan meella ka soo gelayn sharciga dawladaha iyo dastuurkeenna. Sheekaduna ay iska tahay…iska hadlow iga higirre.
Lase yaabi maayoo cadhadii Maryo aloolka ayaa wali ku jirta oo shaqdiisuba waxa ay tahay ninkii wax sheegtaba ha la weeraro weeyi xaalkiisu ,waana suldaan dhagareed lana yaabi maayo isaga oo waxa uu ku caan baxay fimo abuurnimada .ee bal suldaanka kalow adeer ilaahay baan kugu dhaarshee mid kee daran kani Awdal ee leh somaliland baan ahay ee cadaadiska iga daa. iyo suldaan dhagareedka arrintiisu marayso Reer awdal ma caban karaan haddii cabasho keenan Ethopianka ku wareejiya. Laakiin waxa uu ilowsanahay Ethopiada uu noogu hanjabayo qaar badan oo reer Somaliland ah ayaa si sharf leh ugu dhex nool oo xaqooda oo buuxa ku haysta markaasi mala waxay u ekaanaysaa arrintu mar haddii suldaannadii reerka ugu tunka weynaa sidaasi ku taliyeen. Bal ka warama intaad Ethobiayaa iyo Reer Awdal isku khuukhinaysaan . Haddii aan anakuba idiin fududayno hawsha oon killinks shanaad iska xaadirino. Si aan inta Somaliyi isku imanayso aan halkaa ku ammaan hello. Mase la socotaan in intayada badani aan Ethopia deggennahay. Oo malaha ayba noo fiican tahay in aan dawladdaasi guunka ah ku hoos noolaanno. Waayo waxaan filayaa sida uu Suldaanku u hadlay in ay Somaliland maanta ka maarantay awdal iyo dadkeedaba.
Isku soo wada duub dabacsanaan iyo xikmad ayaa la rabaa in lagu wada shaqeeyo midna xisaata ku darsada xikmadii hore loo yidhi.
Sida gabaygani
ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho .
masala ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
MUSLIN KUMA CABIIDSAMO WALOON MADAXA KAA GON
AO Ibrarhim
Omersharif40@gmail.com
INDHO BIRAALE OO BAAQ NABADEED U SOO JEEDIYEY DAWLADA SOOMALILAND
London(Saylac.com)-Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Ambbasador Ahmed Jaamac Ibraahim oo ku magac dheer Indho biraale oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee qurbo jooga Gobolada Gabiley, Awdal iyo Salal ayaa soo saarey baaq nabadeed oo uu kagga hadlayo siyaasadda cakiran iyo marxaladan cusub ee uu ku sugan yahay wadanku guud ahaan Somaliland gaar ahaana Goboladda Awdal iyo Salal, Abbasadoorku waxa uu ka hadley dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan Nabada iyo Cadaalada waxana uu baaqan uu soo saarey ee uu u jeedinayo xakuumadda Somaliland ku bilaabey sidda tan.
“Bismilaahi Raxmaani Raxiim Balaayo hore la qabtey leedahay ee daba la qabto ma leh sidaas darteed nabadii iyo dhismihii dawladeed ee aynu sagaal iyo toban sanno soo kab kabeyney maaha in ay si fudud inagu dhaafto, Somaliland waxey soo martey marxalado kala duduwan maantana waxey mareysaa marxaladii ugu quruxda badneyd oo aduunka oo dhan baa inoo hanqal taagaya, maah maah soomaaliyeed baa tidhi
Wabilaahi Tawqiif
Ambbasador Ahmed Jama Ibraahim
Indho biraale London England UK.
No comments:
Post a Comment