Ayaa ku eedaysan caddaalad-darrada Saami-qaybsiga Golayaasha Dastuuriga ah ee Somaliland?
October 23, 2010
By staff-reporter
Awdalchroniclenews– Riyadh – Kaddib, burburkii Qarankii Soomaaliyeed ee qabyaaladdu furfurtay, waxa uu Ururkii SNM 18/05/1991kii kaga dhawaaqay magaalada Burco – Gobolka Togdheer in Ex.British Somaliland Protectorate ay la soo noqotay dawladnimadii lagula bahoobay Koonfurta Soomaaliya 01/07/1960, isagoo ugu magac bixiyey “Jamhuuriyadda Somaliland”; isla markaana ku soo magcaabay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ku meel gaadh ah oo kala ahaa Marxuum.Cabduraxmaan Axmad Cali iyo Xasan Ciise Jaamac; taas oo beelihii kalena ay soo dhaweeyeen.
Waxa haddaba isweydiin leh sababta ay beelihii kale ay u aqbaleen dhawaaqa iyo maamulka ay SNM la kaliyowday.
Jawaabta su’aashaasi waxan u dhaafayaa akhristayaasha iyo dhammaanba bulshada Somaliland isagoo qofkii doonaa rakaabsi ahaan u adeegsan karo qodobadan hoose:
1- Waxay u aqbaleen si ay u dhalato nabad loogu kulmo wada-tashi iyo wax-wada-qabsi dib loogu soo yagleelo maamul u gaar ah degaannadii ugu hor xoroobay Soomaalidii Gumeysigu qaybiyey.
2- Waxa ay u aqbaleen baqdin ay ka qabeen SNM oo loogu dhawaaqay in Gobollada Waqooyi isku dhiibaan.
3- Ta koowaad oo aad tafaasiil ka bixisid.
4- Ta Labaad oo aad tafaasiil ka bixisid.
5- Tu ka duwan labada hore – fadlan sheeg oo tafaasiil ka bixi.
Madaxweyne: Marxuum Cabduraxmaan Axmad Cali waxa uu soo dhisay xukuumad ku meel gaadh ah oo aan ku dhisnayn saami beeleed iyo Gobollo midnaba; taas oo shaqadeeda ugu muhiimsani noqoto inay JSL u diyaariso hannaan caddaalad iyo diimuqraadiyad ku dhisan oo lagu unko qaran haykakiisa maamul dhameystiran yahay.
Nasiib darro, arrintaasi ma suurta gelin, balse waxa dib u oogsaday dagaallo sokeeye oo jufo-jufo ah o u dhexeeya beelihii SNM qaarkood; sidaa awgeedna beelihii kale ee Somaliland waxay dadaal u galeen sidii ay dabkaa u bakhtiin lahaayeen.
Ilaahay waa uu ku guuleeyey, waxana halkaa ka dhashay in gogol Somaliland la dhigo magaalada Borama – Gobolka Awdal oo lagu doortay jawi nabadeed iyo xasilloonaan awgeed; isla markaana lagu dhawaaqo “Shir Beeleed” ay isugu yimaaddaan ergooyin ka kooban dhammaan bulshada Somaliland si loogu dhiso haykal qaran oo beeluhu u dhan yihiin.
Shirkaasi oo muddo badan la fadhiyey waxa lagu doortay madaxweynihii labaad ee JSL oo noqday Marxuum Maxamd Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweyne-ku-xigeen Cabduraxmaan Aw Cali Faarax; waxa kale oo lagu diyaariyey Axdi Qarameed ku meel gaadh ah oo loogu gudbo Dastuur heshiis lagu yahay.
Madaxweyne Marxuum Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa ruug caddaa siyaasi ah ayaa isaguna wuxu soo dhisay xukuumad u ku suntay “Waa Xal ee Xaq maaha” isagoo ka simay golihiisi xukuumadda saraakiishii ciidamada ee halganka dagaal u soo gashay madaxbannaanida Somaliland.
Xukuumaddii xalka aheyd iyadana waxa uu waqtigii kaga dhammaaday weerar beeleed iyo madaarka Hargeysa, in kasta oo qaabka dagaalku ka duwanaa kuwii jufa-jufada ahaa; waxanse shaki ku jirin in Allaha u naxariistee Madaxweyne Cigaal uu wax weyn ka beddeley qaabkii hornog la’aanta ahaa, dadkana baray hannaanka dawladnimo lagu gaadhi karo; sidaa awgeedna mar labaad loogu doortay madaxweyne, halka ku-xigeenna uu ku soo baxay Daahir Rayaale kaahin.
Madaxweyne Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii ambaqaaday diyaarintii iyo dhammaystirkii Dastuurka Qaranka oo cod aqlabiyad ah uu ku ansixiyey shacbiweynaha reer Somaliland -halkaana waxa loogu gudbay buuxinta saamiga beelaha ee Golayaasha Dastuuriga, gaar ahaan sharci dajinta (Guurtida iyo Wakiillada) oo tirooyinkooda Dastuurku xaddiday hase yeeshee aanay ku qeexnayn sida beeluhu u kala helayaan.
Qodobbada 40 iyo 60aad ee Dastuurku waxa ay tilmaamayaan tirada labada Gole ay kala noqonayaan oo min 82 xubnood ah; sidaa awgeed, sida illaa maanta loo kala leeyahay saami ahaan waxay tahay sidan hoose:
Magaca Ardaayada Golaha Guurtida Golaha Wakiilada Isugeyn Nisbad %
I S A A Q 45 56 101 62%
H A R T I 18 12 30 18%
GADABUURSI 10 13 23 14%
C I I S E 4 1 5 3%
K A L E(Others) 5 0 5 3%
82 82 164
Haddaba; su’aasha mawduuca maqaalka oo nuxurkeedu ku soo ururayo sida ku cad shaxdan sare ayaa haddana waxa aan toos u muuqannin cidda sidan wax u qaybisay iyo tiirarka lagu dhisay. Waxa kale oo iyaduna isweydiin mudan sida raalli loogu wada noqday ee illaa maanta loogu dhaqmo -maxaase xukuumad aan Dastuurkuna xadaynin oo madaxweyne shaqaale ahaan u soo dirsaday looga qayliyaa ee kuwan Dastuuriga ah looga hadli waayey.
Arrintani iyo kuwa kale oo nolosha bulshada toos u taabanayaaba waxa ay ku tisqaadi karaan caddaalad, haddii la waayana waxay horseedaysaa burbur iyo furfurasho ku yimaadda wax kasta oo dadaal badan lagu soo xidh-xidhay ama lagu dhisay; tusaale aan muran laheynna waxa innoogu filan dawlado xoog waaweyn oo hub nooc walba haysta ayaa cod ama hub qoriga ugu yar ka carara oo ku duma; waxase xaqiiq ah inay caddaalad xumo u dumeen ee sabab uun looga dhigay cidda cod ama qori kala hor timid.
sidaa darteed; waxa diinta, caqliga fayow iyo cilmigaba aan ku bannaaneyn in qofna wuxuu naftiisa u qaadi waayo inuu qeyrkii ku riixo ama oggolow ku yidhaa.
?????? ?? ??? ? ???? ?????. ??? ???? ??? ???? ????
Waxan ku soo gabagabeynayaa, soona jeedinayaa in jawaab loo helo su’aasha mawduuca; kadibna loo gudbo wixii xal u noqon kara si aynu u toosino wixii khaldan.
Madaxweynaha JSLna waxan u soo jeedinayaa inuu arrintaan fiiro gaar ah u yeesho, lana kaashado La-taliyaha arrimaha Golayaasha Baarlamaanka ee uu dhawaanta magcaabay; isla markaana u adeegsado qodobka 126aad ee Dastuurka sidii dibu-eegis iyo wax ka badal dastuuri ah loogu sameyn lahaa arrinta saami-qaybsiga Golayaasha sharci dajinta(Guurtida & Wakiilada).
No comments:
Post a Comment