>HAMBALYO -HAMBALYO - HAMBALYO
Awdalchroniclenews October 28/2010 - Boorama - Madaxweyne Ahmed Mohamed M. Siiraanyo iyaa u magacaabay Marwo AMAAL Xaaji Ahmed Miisaan inay noqoto u qaabilsanaha arimaha haweenka ee somaliland tani waxay farxad galisay dhamaan haweenka Soomaliland , gaar ahaan gobolada Awdal/Salal waxanan iIlaahay uga baryaynaa inuu xilkaas loo doortay ku guuleeyo si ay wax uuga qabato horumarka haweenka somaliland
Madaxweynuhu wuxuu magacowga AMAAL ku cadeeyay inuu hirgalinaayo balanqaadyadii u sheegay waxtigii olelaha isagoo barigaas shaaciyay inuu wax u qaban doono haweenka dalka ee la daayacay.
Anagoo ah bahweynta Awdalchroniclenews waxan leenahay siiraanyo hambalyo waxaad magacawday shaqsiyad qaali ah waanan kugu amaanaynaa xilka aad u magacawday amaal inkastooy ahayd inaad magacawdo mar hore waxan leenahay madaxweyne shaqo fiican baad qabatay markani