Awdalchroniclenews October 29, Boorama- waraka naga soo gaadhaya magaalada boorama ayaa waxay sheegayaan inay magaalada soo gaadheen xildhibaanada labada gole ee somaliland kaga jirara gobalka awdal/salal ay soo gaadheen magaalada boorama balse waxa adag sida looga helo waxa dhabta ah ee ay isku soo wada raaceen intooda badani waxa weheliya wasiirka beeraha md-faarax limi iyo wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada md-cali xaamud jibriil,
wararku waxay intaa ku darayaan in ay beryahanba qolooyinkani ay raadinayeen xal si ay iskugu soo dhaweeyaan dadka ku dhaqan goboladaa oo ka sii fogaanayey la shaqaynta dawlada cusub ee siiraanyo ayagoo soo daayey dhawaan dhalinyaradii lagu xidhxidhay magaalada boorama dhawaan ku waa oo lagu eedeeyey inaay abuurayeen nebedgelyo xumo arintu si kastaba ha ahaatee waftigani waxaan shiki ku jirin inay xal raadis yihiin waxayse su'aal ka taagan tahay sida ay ugu qancin karaan dadka ka soo horjeeda madaxweynaha cusub oo u muuqda dhegihiisu inay u daloolaan hal qabiil oo markii ugu horaysay u muuqda inay waxkasta keli ku noqdeen somaliland hadaba reer awdal/salal naf ahaantoodu arinta kama wada taagna hal meel ee waxa jira laba qaybood oo laba mowqif ka kala taagan arimaha jira oo iska soo kala hor jeeda iyo qola sedexaad oo iyagu u dhaxaysa labada kale isku soo wada doob oo waxay dhamaan isku raacsan yihiin in dowlada cusub iyo tii horaba aydulin ku sameeyeen gobolada awdal/salal ayna tahay dawlada cusubi inay jawaab waafi ah ay ka bixiso xaqdarooyinkaa,
by dhakabir@hotmail.com
Posted by Awdalchroniclenews