HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Friday, November 19, 2010

DIYAARAD AIR BERLIN OO LAGA HELAY QALABKA WAX LAGU QARXIYO

Diyaaradda Air Berlin oo laga helay qalabka wax lagu qarxiyo
18 Novermber 2010 14:47

Xafiiska danbiyada ee Jarmalka ayaa sheegay, in boliiska Namibia ay ka heleen boorso ama shandad ay ku jiraan qalabka wax lagu qarxiyo iyo saacadii lagu qarxin lahaa diyaarad Air Berlin ay leedahay oo shalay u socotay magaalada Munich.

Qalabka ayaa la helay markii boorsooyinka ay marayeen Kombuterka baara boorsooyinka ee garoonka diyaaradaha.

Lama hubo in qalabka ay ku jiraan waxa qarxa. Dadkii diyaaradda saarnaa ayaa mar labaad la baaray, diyaaradana way soo duushay.

Dowladda Jarmalka ayaa shalay sheegtay in ay adkaynayso amaankeeda ka dib markii ay heshay sir sheegaysa, in weerar lagu soo qaadayo waddankeeda bishan dhamaadkeeda.

No comments: