Qaraxyo ka dhacay Muqdisho
17 Novermber 2010 16:31
Ugu yaraan 18 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 41 qofna waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo iyo madaafiic ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday ciidamada Midoga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah ayaa ka dhacay agagaarka kulliyaddii Jaale Siyaad, halkaasi oo ay marayeen ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan AMISOM, halka qaraxa labaad lala beegsaday ciidamo kale oo marayay agagaarka Xoosh.
Madaafiic culus oo ku dhacay suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ayaa iyaguna waxa ku dhintay 11 qof oo ka mid ah dadka maanta dhintay.
Dhimashada dadkan ayaa waxa ay ku soo beegmeen iyadoo magaalada Muqdisho ay dadku ku jireen maalintii labaad ee Ciidda.
By BBC Somali
No comments:
Post a Comment