Faah Faahin Jidgooyadii Buuhoodle Ee Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale
Posted to the web on Nov 20
S
Ergadii uu Hogaaminayay Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismcaali Ducaale ayaa xalay Fiidnimadkii Jidgooye qorshaysan oo aan wali ka dhicin deegaan dhulbahante loo dhigtay Jidgooyadaas oo uu masuul ka ahaa Sabaray iyo col uu wato oo leh dano siyaasadeed oo kale kuna jahwareeray Kaalintooda kaga beegan Nabadaynta beelaha colaadu dhex martay ayaa dan mooday inay Jidgooye u samaystaan waftiga Garaadka Kaasoo ay kula kaceen ansha xumo aan hore loo arag
Waftiga Garaadka ayaa dib uga soo noqday si aan halkaasi colaad kale uga dhicin waxayna mu,aamaradan ku tilmaameen mid qorshaysan oo uu ka damnbeey Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku qadarin waayay walaalkii oo xaq u leh mansabka garaadnimo inuu u maleego qorshe noocan oo kale ah si uu ra yal caalamka ugu sheego inuu isagu yahay garaadka la soo doortay Balse xaqiiqadu waxay tahay u kala hiilinta laba walaalo ah halkay ku danbayn.
Garaadka ayaa mar aanu khadka Fooniyaha ku waraysanay sheegay in colka Buuhoodle ka hor istaagay oo ah Deegaan Dhulbahante arintan ayuu ku tilmaamay mid ugub ah cawaaqib xumadeedana wakhtiyo badan laga sheekayn doono
gabagabadii waxay su,aasha is waydiinta mudan tahay ma reer Buuhoodle ayaa sidani u danbaysay? Ma aragtiyada Siyaasadeed ayaa ku dhex milantay Nabadaynta? Ma sabaray ayaa siduu yeelo garan waayay? Ma Siyaasadii Dhulbahate ayaa ka badin wayday Garaad Cabdi rashiid ha la celiyo
By holholnet
No comments:
Post a Comment