Dilkii lagu miray 12/12/2010 inanka iyo aabihii ee ka dhacay meesha la yidhaa “Kaxda” oo ka mid ah degaanka Isha-gudban ma aheyn “Aano Qabiil” sida uu warbaahinta ugu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen.Cilmi Rooble Fure (Kabaal). Waa wax aad looga xumaado in masu’uulkii ugu sarreeyey amniga Somaliland uu dhacdadani foosha xun ee ugubka ah ku tilmaamo Aano qabiil iyadoo beesha galbeed ee uu carabka ku dhuftay oo ay ka soo jeedan reerka la miray aanay hore ugu kicin dil noocan oo kale ah; sidaa awgeed waxa ay ila tahay in taliyuhu dhiirrigeliyey uun in mirta noocan ahi halkaa ka sii socoto.
Somaliland shacbi iyo xukuumadba kama qarsoona aafada siyaasadeed ee loo adeegsado kala-xadeyn degmo oo loola jeedo kala sooca dadka isku isirka ah ee degaanka kuwada nool; waxase nasiib darro lagu tilmaami karaa dadkaa walaalaha ah oo aan weli isku dayin inay iskood u xalliyaan aasaaska dhiigoodu maalin walba macna darrada ugu daadanayo iyagoo ka madaxbanaan faragelin siyaasadeysan oo u kala dab qaadda dano shakhsi.
Marka aan u soo noqdo dhacdadan u dambeysay; waxa soo dhaweyn mudan dhawaaqa madax-dhaqameedyada Gabiley qaarkood ee ku saabsan dilkan waxshinimada ah haddii ay ficilkeedana raaciyaan. Sidoo kale waxa ay dhegaha nabaddu maqli karaan Maamulka Gobolka Gabiley oo isna shaabad iyo saxeex isugu daray dhawaaqa odayaasha haddii ay ka fogaadaan waxyaabihii iyo qaababkii hore loo soo adeegsaday ee wada madhalayska noqday. Taliyaha Ciidanka Booliska oo Xukuumadda u hadlayna wuxu tibaaxay in gacanta lagu hayo qorshe arrintaa wax lagaga qabanayo; waa looga fadhiyaa balse yaanu noqon mid dhamacda dambasku yara daboolay xaabo iyo bansiin ku sii shubta sidii kuwii ka horeeyeyba yeeleen.
Shaki kuma jiro in nabadda deegaankaasi ay tahay qabyo aad u furfuran, una baahan cid ururisa, qaabaysa oo isku tosha kadibna u gudubta heerka abaalmarinta nabadda. Sidaa darteed; beesha gardarrada lagu miray waxan ugu baaqayaa inay xakame bir ah ku hakiyaan naftooda sidii horeba loogu hakiyey dhacdadii 11/07/2009 ee dadka safarka ah lagu gumaaday maxaa yeelay nabadda wiil baa ku dhasha, wax la koriyo caafimaadka ka sokow oo nabad u dhigmaana ma jiraan.
Gabagabo; anigoo ku kalsoon Ilaahay inuu la jirayo “nabaddoonka”, isla markaana hoojinayo “Nabaddiidka”
waxan waxgaradka beelaha degaanka colaaddu ka taagantahay u soo jeedinayaa inay la yimaadaan qorshe ay iyagu hagayaan oo loogu hawlgalo nabad iyo caano lagu naaloodo, Ilaahayna ha idiin fududeeyo. Aamiin! Aamiin! Aamiin!.
Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh
Riyadh – Saudi Arabia.
No comments:
Post a Comment