HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Tuesday, November 23, 2010

Shirka rays hotel ee lagu suntay makahiil waa "shimbirayahow heesa"

Shirka Rays Huteel ee lagu suntay Makaahiil waa ” shimbirayahow heesa”.
November 23, 2010
By staff-reporter
Awd
Riyaadh – Waxa aan shaki ku jirin shirka Rays Huteel ee Somali channel laga soo baahiyey inuu yahay mid loola badheedhay afduub iyo awr-ku-kacsi makaahiil iyadoo masraxiyadda marada khafiifka ah ee badaddeeda lagu jilayaana ma dhaafsiisna ” Ismuujin beel makaahiilka ka mid ahi ay baryahanba qabanqaabineysay”.
 
Sidaa darteed; waxaan beelaha makaahiil ugu baaqayaa inay aad uga taxaddaraan ciyaarta gorayadu tumayso ee aan wadin dan makaahiil iyo mid gadabuursitoona, hase yeeshee waysada u biyeysatay in mar labaad shaqo loo raadiyo; taas oon marnaba dib uga suuragaleynin beelaha Makaahiil iyo Gadabuursiweynaha kaleba.
 
Waxan jawaabta beeshani ku soo koobayaa sidan:
 
 Rag waxan ku maamuli aqaan  *  Ama ku maamuusi
 Maso inaanu nahay                  *  oo tolnimo meerto noo tahay
 oon waliba kaga muuq caddahay * miidhse diidani eh
 Anigay igu macaantahaydana       * Midig ma siinaayo.
 
Waxan ku soo gabagabaynayaa in beelaha Makaahiil shir ay u dhan yihiin isugu yimaadaan, dhexdoodana xisaabtamaan, kadibna meel isla dhigaan danta guud iyo ta gaarba una gudbaan walaalhooda kale ee beelaha Maxadcase iyo beelaha Habar Cafaan si loo gaadho danta guud ee ay ku wada qasban yihiin, loona wada ilaaliyo.
 
Wa Billahi A Tawfiiq.
 
Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh

No comments: