Kambala:-Madaxweynaha Wadanka Ugandha ayaa markale ku celiyey in Xukuumadiisu aysan Soomaaliya ka soo saari doonin Ciidamadeeda tan & Inta ay guul ku dhamaanayaan Howlgalka nabad Ilaalinta Afrika ee Amisom oo ay Ugandha uga jirto meel muhiim ah,waxaana uu sheegey in weerarada ka dhacaya Bariga Afrika ay yihiin cabsi gelin aanan meel fog jirin.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Yugandha islamarkaasna looga hadlayey Amaanka & Xasiloonida bariga Afrika ayaa loogu tacsiyeeyey dadkii wax ku noqday Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi oo kii u danbeeyey lagu qarxiyey bas nooca dadweynaha ah oo Ugandha & Kenya isaga kala safra,waxaana uu madaxweynaha Ugandha Qoraalkiisa ku sheegey in aysan Ugandha dhag-jalaq usiin doonin Weerarada Alshabaab oo uu ku tilmamaay kuwo argagixiso gadaal ka riixayso.
“Dawlada Ugandha waxay ka tacsiyeynaysaa Weeraradii Nairobi,kuwani waxay kamidyihiin Weerarada Cabsigelinta ah ee Argagixisadu ka samayso Dunida,Ugandha ma ay ka soo baxayso Soomaaliya,Dawladeenuna way garab taagnaanayso Soomaaliya oo ma cidlayn doonto Somaaliya inta ay Dawladnimada uga guulaysanayso”Ayuu ku sheegey Qoraalkiisa madaxweynaha Ugandha.
Source allpuntland
No comments:
Post a Comment