Borama (Awdal) Waraabe Guri Gudahii Galay laguna arko ma aha Arin iska caadi ah, Kani waa Waraabe, waxuuna dhex-fadhiyaa Guri kamid ah guryaha ku yaala caasimada G/Awdal ee magaalada Boorama, ma ahan wax iska caadi ah in lagu dhex-arko gudaha Boorama Waraabe xili ay cadcadeeda soo jeedo, inta badan saqda dhexe ayaa Boorama laga maqlaa ciyda Waraabaha isla markaana waxaa lagu cabsiyaa had iyo jeer Caruurta yaryar, tanina waxey dadka ku dhaqan Boorama ku noqotay arin fajac leh in Guri kamid ah Boorama lagu dhex arko Waraabe iyo Dadkii soo qabtay oo is agfadhiya.
Dad badan ayaa kusoo xoomay Waraabahaan kuwaasoo xiiso u qabay aragtida Waraabaha qaarkoodna waxey caqli gal ku noqon weyday in Waraabe lagu dhex-hayo guri ku yaala Boorama, waxeyna arintaan noqotay hadal-heynta maanta ee Boorama.
Maxamed Cismaan oo ku magac dheer Shiine waa Ninka suurta galiyay in la qabto Waraabahaan oo habeenimadii xalay isagoo la socday Raxan Waraabayaal ahi soo galeen xaafada Sheekh Cali Jowhar oo dacalka ku haya Buuraha Faarax-yood ee waqooyiga Boorama, isagoo la hadlay saxaafada waxuu falan-qeeyay qaabka uu u qabtay Waraabahi waxana uuyidhi " Waxa ay ahayd subaxdii hore waxa aan la kulmay waraabaan oon u maleeyay inuu yahay mid ka hadhay waraabayaal kale waxa aan ku qabanay ul aniga iyo nin kale waan aan ku xidhnay guriga uu hada ku jiro".
Waraabahaan ayaa ah mid aad u yar kana muuqatay naxdin fara badan isagoo aan sameyneyn wax dhaqdhaqaaq ah ama Dhawaaqii lagu yaqaanay Waraabaha, waxaana Caruur badani arintaan u aheyd farxad mar hadii ay arkeen Waraabihii loogu sheekeyn jiray inuu dhibaato badan yahay oo xabsi guri la galiyay.
Muddo sannad laga joogo ayay aheyd markii Waraabe kani ka weyn galay Guri ku yaala aafadaan Sheekh Cali Jowhar, kaasoo markii dambe tuur tuurkii iyo daal daraadiis u dhintay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo galbeedka Somaliland lagu arko Waraabe ay qabteen Dadku, dhawaan ayay aheyd markii Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Cilmi Kabaal uu dalka ka masaafuriyay Waraabe lagu dhex-qabtay xaafad kamid ah Hargeysa kaasoo waxyeelo u geystay qaar kamid ah dadka ku dhaqani xaafadaasi.
No comments:
Post a Comment