HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Sunday, October 17, 2010

Ahlu-suna iyo TFG oo la wareegay beled xaawo

Ahlu-Sunna iyo TFG oo qabsaday Beled-Xaawo
October 17, 2010
By staff-reporter
Awdalchroniclenews(Balad Xawa) 17 Oct.10–Ururka Ahlu_Sunah iyo miliishiyooyin taabacsan Dawladda KMG ah ee Somalia, oo sida la sheegay a soo duuley dhinaca Dolow, ayaa saaka qabsaday magaalada Beled_xaawo ee gobolka Gedo, kana qabsaday al_shabaab oo hore degaanaasi u haysatey.

Inta la ogyahay, ilaa dhawr iyo toban qof ku dhintay, in badan oo kale, oo ay ku jiraan dad rayid ahina waa ku dhaawacmeen dagaalladaasi saaka. Dhinaca kale, waxa jira dadweyne aad u fara badan oo ka qaxay magaalada Beled-xaawo, una qaxay dhinaca Mandera ee Kenya.

Ciidamada qabsaday Beled Xaawo, waxa la sheegay inay ka soo duuleen degaanka Doolow ee xadka Ethiopia, waxana hoggaaminaya Barre Hiiraale oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Ciidamadii al_shabaab ee hore u haystay Beled Xaawo waxa la sheegay inay u baxeen dhinaca Bari meel u dhaxaysa Beled_xaawo iyo Garbahaarrey.

Ma aha markii ugu horreeyey ee ay isbedesho gacan-ku-haynta Beled_xaawo, iyadoo marar hore ay kala qabsadeen al_shabaab iyo Ahlu_sunnah, marba mid.

Dhinaca kale, ilaa 4 qof ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna saaka ku dhinteen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu, ka dib markii ay isku dhaceen milishiyooyin ka kala tirsan al_shabaab iyo Xibul_Islam.

BBC