HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Sunday, October 17, 2010

Xoola dhaqatada xeebta oo ka cabanaaya ciidamo badan oo la soo dhoobay

Xoolaha dhaqatada Xeebaha Awdal oo ka cawday ciidamo dhawaan soo degay Bulo Cado oo xoolo ka qashay
Djibouti(Awdalchroniclenews.com)-Sadex qoys oo ka tirsan dadka xoolo dhaqatada xeebaha Awdal oo ayaa maxakamada magaalada Saylac keenay dacwad ka dhan ah ciidamo Somaliland ah oo dhawaan lasoo dhoobay xeebaha Awdal. Muuse Aw-Jamac, Barkhad Cabdi iyo Cumar Rooble oo ay shabakada saylac.com kula kulantay magaalada Lawyacado ayaa waxay noo sheegeen in bishan 14keedii goor lagab ah ciidamada somaliland ee xeebaha yimid ay 5neef oo geela ka qasheen.

Barkhad Cabdilahi oo ka mid ah qoysaskan ciidamada Somaliland ay ka qasheen xoolaha geela ah ayaa waxa uu yidhi” Markii ay ciidamadu noo yimaadeen ka hor waxay noo soo direen laba nin oo gaadhi wata waxayna noo sheegeen in ciidamadu doonayaan xoolo iib ah oo ciidamada loo qalo, Mudo yar ka dib markii aanu dhawrkii neef ee iibka galayey aanu geela kasoo reebnay ayuu nin ka mid ah labadii nin ee ciidanka ahaayi Telefoon diray waxanu nagu yidhi waxaan sugaynaa lacagtii ee naga war suga.. Mudo yar dabadeed waxa nasoo gaadhay Gaadhi  kale oo ay saaran yihiin niman ilaa 7 nin ahi xoolihii ayey hortayadii ku qaleen hilmahoodiina saartee Gaadhigii ay wateen anagana wax lacag ah oo ay nasiiyeeni ma jirto.. Waar waa sidee waa maxay waxan aad samaynaysaani ayaan ku celinay waxayna nagu yidhaahdeen ” lacagta taliyaha ayaan usheegyanaa bari ayaana la idin keeni doonaa ” Wax lacag ah oo ilaa sadex casho naloo keenayna ma jirto.

Halkii ayaanu aniga iyo nin aanu seediya nahay oo xoolaha wada lahaayi intii hadhay ku kaxaysanay cabsi iyo jahawareen ayaana nagu dhacay.”

Xoolo dhaqatadan durba ciidamada somaliland ee dhawaan lasoo dhoobay xeebaha Awdal ay kula kaceen dhaca iyo boobka ayaa sababtey in xoolo dhaqato badani xoolohoodii ku talo jiraan inay ula guuraan degaano aad uga fog saldhigyada ciidamada somaliland ee xeebaha Awdal.
Sadexdan Xoolo dhaqato ayaa saxaafada u sheegay inay maalinta Talaadada inagu soo fooleh ku talo jiraan inay dacwadooda u gudbiyaan maamulka degmada Saylac.

Waa markii ugu horeysay taniyo markii Jamuuriyada Somaliland gooni isku taageeda ku dhawaaqday ee ciidamo Somaliland oo xeebaha ku sugani ay xoolo ka qashaan dadka xoolalayda ah ee xeebaha degan.

Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti