HADII ISKU XUMAYNTII JIBRIIL YOONIS OYO MAXADCASE HALKAA DHIGTAY SAMAROON MAXAA AAMUSIIYEY HABAR CAFAAN ?
Awdalchroniclenews ( Houston TX ) Ma jecleeyn inuu samaroon jabo waanse jeclaa inuu jibriil yoonis jabo hase yeeshee jabka jibriil yoonisna waa jabkayga oo maanta waan wada jabnay ee jibriil yoonis keligii ma jabin ee maxadcasoow sidan la idinka yeeli maayo,
Hadii isku xumayntii makaahiil iyo maxadcase halkaa dhigtay gadabuursi maxaa u tala ah habar cafaan ? Midi midi ku taag matalaa?
Reerku wuu dulmanyahay waxase kaba daran taa taladii dulinka looga bixi lahaa lama hayo lamase garan waayine waan la doonayn,
Gardarooyin badan ayaa dhacay ninase dusha uma ridan guuldarada ku habsatay gadabuursi waa wax aan u dhanahay nina keli kuma aha
Habar carfaan way dulmantahay garabse ma haysato oo dulinka waxa keenay walaalaheed aay is cunaysaa waraabe iskama celiso ayaa hore loogu mah maahay,
Waxan hadal kayga uga jeedaa sidan soo socota Samaroon godka loo qoday waxa ka masuul ah ninkii ogolaaday ( SNM ) inuu wax la qaybsado waxase sharaf ku dhinta gadabuursigii kale ee yidhi ha la raaco aan aragno halkuu ina geeyee, hadiise la arkay godkii aan ku dhacnay maahin cadha dooda in qolo kale tidhaa anakuna god ka sii dheer ayaan samaroon ku sii ridanaa hayse iyaguna kaga dhabeeyeen ooy meel ka daran nagu hogaamiyeen, makaahiil inuu ka hadlo xaq uma laha hadalna uma banaana waxase hadal u banaan yahay waa habar cafaan inay qabato maxad case qaladka ay ku socdaan in kastoo ay odhan doonaan makaahiilba waad daawanaysay waxay sameeyeen ee maxaad aniga ii qabanaysaa ay xaqna u lee yihiin hadana waxa dhacaya maaha wax loo dul qaadan karo hadaba waxan lee hay waa inay habar cafaan fadhiga ka kacdo magacii samaroon wuxu sugayaa habar cafaan siday ka yeesho mar hadii labadii kale ay iibiyeen waa inaan gobo nimo ku dhimanaa oo aan reerka sidan u dhaano makaahiil baa badan iyo maxad casaa badan maaha wax soomaali idiin og tahay waxase la idiin ogyahay waxay isaaq u sheegeen soomaali oo ah inaad yihiin reer yar oo Isaaq la dega maxadcase na soomaali ma taqaan makaahiil na mataqaan waxa la idiin yaqaan ( GADABUURSI ) hadaba xaaladu waa sidaa maysku qabnaa mise waan qasanaa,
Hadii hadaba labadaa reer ay tanaasul keeni waayaan Habar cafaan waa inay tashataa oo aan shirweyne habar carfaan la qabto waxa aan ka yeelayno
Magacii samaroon inaguu dusha Inaga saaran yahaye waa inaan difaacno oo aan dib u soo aas aasno jabhadii ( SDA ) sidaa iyo nabad gelyo.
By dhakabir@hotmail.com