HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Friday, November 19, 2010

DEKEDDA MAGAALADA LUGHAYA OO SI QARSOODI AH LOO DHAGAX DHIGAYO

Awdalchroniclenews 19 Nov,10– Sida warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo xogaal ah ay sheegayaan, maalinta beri ah ee Sabtida ayaa la filayaa in la dhagaxdhigo dekeda magaalada lughaya, xubno ka mid ah weftiga ka qaybgalaya oo ka imanaya magaalada Hargaysa oo nala soo xidhiidhay ayaa weydiiyay shabakada Awdalpress in ay la socdaan warkaas iyo in kale, balse waxaa nagu maqaalo ah in ay joogeen magaalada Boorama qaar ka mid ah qurbajoog ka timid dibada oo ka soo jeeda Awdal, lamana oga in hawlahaas dhagaxdhiga dekeda lughaya loo soo xilsaaray iyo in ay wadaan hawlo ay ku qoomayaan qorshihii ururka ARDAA uu dibada ka waday.

Si kastaba ha ahaatee hawshan ayaa noqon karta mid dhicis ku rida qorshaha balaadhan ee mudada soo socday, dhanka kalana waxay dad badani isweydiinayaan sababta keentay in laga qariyo saxaafada ka hawlgasha G/Awdal, maadaaama ay hawshu tahay mid horumarineed oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ay dadku ku farxi lahaayeen.. Murtidu waa War Jiraaba wuu iman !

No comments: