HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Thursday, November 4, 2010

ORGIGA OOHINTU KA WAYN XAQ DARADU MAANTA MA BILAABMIN

Baroortu orgiga ka wayn dulmiguna maanta ma bilaabmin mayayna ka haboonayn markii labada gole la qaybinaayey inaan iska diidno cadka xun een qaadanay?
 
Awdalchroniclenews- November 4, ( Houston tx) beryahanba waxa reer awdal inyaroo kamid ahi canbaarayn ku wadeen xildhibaanadii iyo wasiiradii awdal ka soo jeeday ee booqashada ku tegay boorama waxase aniga layaab igu moqotay sida looga hadlay gaar ahaan qaar ka mid ah wabsite yada oo kuwo aan istaahilin in laga daba qaato laakiin inta waxgaradka ah naftoodu sida ay u dhigeen hadal koogu ma ahayn mid ku filam ama sidii la rabay ugama hadal hadaba waxa aan bal hoos u jaleecanaa waxa lagu canbaaraynayo wasiirada iyo xildhibaanada wasiir kastaa waxa uu dawlada ugu jiraa inuu wakiil dawlada uga yahay dadkiisa hadii dadku waxtabanayaan waa in laa sheego si asluub ku jirto 
MAXAA KA MAQAN AWDAL/SALAL ?
Hadaan si cilmiyaysan uga doodno ninkasta oo reer awdal/salal u dhashay wuxuu rumaysanyahay in goboladani ay dulman yihiin wax dood ah oo ka taagani ma jirto

MAXAA LAYSKU DIIDANYAHAY ?

Sida la wada og yahay waxa laysku diidanyahay waa danta gaarka ah ee reer keliya ay wataan taasi oo aan waafaqsanayn dantii guud ee ka dhaxaysay dhamaan reer awdal/salal
Hadaan hadaba balbalaadhino sheekada
aan dib ugu noqono wixii ina soo maray tan iyo aas aaskii somaaliland  aan ka bilawno january 29/1991 waxa waxa la magacaabay Ali Mahdi maxamed iyo Omer arte qaalib waxay ahay dabinkii ugu horeeyey ee loo dhigay reer awdal kadib markii cumar carte yidhi isku dhiiba ( SNM ) ma aysan ahayn wax la  yaab ah ma jirin wax tabaabulsho ah oo reer awdal ay hore u sameeyeen haday dhacdo Tani maxaa yeelay lama filayn waxa inala soo gudboonaatay labo mid inaan ( DAGAALANO iyo inaan  ISDIIBNO ) layaab ma lahayn jarmalka, talyaaniga, iyo jabaankuba way is dhiibeen waxayna xal u arkeen sidaasi,
 
MIYAAN LA HESHIINAY HARGEYSA MISE WAA LAYNA QABSADAY?
Hadaan wada heshiinay maxaan ku heshiiney ?
In kastoo dadbadan oo reer awdal ahi aaminsan yihiin inaan heshiinay hadana taasi maaha mid jirta waxase ninkasta oo reer awdal ah jecel yahay inayna haboonayn kelmeda ( qabsasho ) ooy sharafdaro noo tahay inaan nidhaah waa la na qabsaday sidaa darteed waxan dadka ku nidhaah waan heshiinay mase ahin mid dhab ah ee waa layna qabsaday,
 wakhtigaa ma jirin wax heshiis ah oo ina dhex maray inaan dawlad wada disano oo aan si cadli ah u qaybtano oo la gorgortamo qori caaradii ayaa wax kasta lagugu mariyey wixii ladoonaba waa lagaa yeelay waxa wakiil inoo ahaa oo inagaga jiray ( SNM ) Nin keliya ooy u bixiyeen TOLAAWE,

Hoos u soo dhaadhac May 18/1991 waxa la inoogu yeedhay inaan aqbalno somaliland dadka beelaha kale ee aan SNM ahayn lama dooransiin waxay doonayaan waxa khasab ahaa inaad aqbashid somaliland ama dagaal waana la aqbalay waxaad xaq u leedahay meelna laguma cadayn ee waxay dan iyagu u arkeen bay ku siiyeen,

Waxa la soo gaadhay Boorama oo beelaha SNM lagu heshiisiinaayey sifiican baan ka yeelay cigaal baa lagu doortay balse ma noqon sidaan filaynay wuxuu ina siiyey intuu jilibkiisa ciise muuse siiyey markii la waydiiyey maxaad u yeeshay wuxuu ku jawaabay XAQ MAAHA EE WAA XAL micnaha ku jira garo haday dani ku tidhi qaado sidaa ayaan kuu garanee waxayse ahayd marka ugu haboonayd in la diido oo aan la qaadan LAGAMA HADAL dadka imika hadlayaa way joogeen waa la aamusay ma garanaayo waxa loo aamusnaa,

Waxa dhintay cigaal waxa kursigii nasiib ku fadhiisiyey RIYAALE wuxu ka mid ahaa reer awdal oo wax tabanaayey wuxuu si dhab ah u ogaa waxaan xaq u leenahay oo isaguba tabanaayey wuxuu dhisay dawlad  mase dhaamin kuwii isaga ka horeeyey ee aan hayb nala wadaagin wuxuu u cadeeyey dadkii aan wax ka tabanaynay inay sax ku taagan yihiin waxa aan doonaynaana aysan xaq ahayn DADKA IMIKA DOODAAYAA HALKAY JOOGEEN? 
maxaa xaqdarada loo arki waayey maxay website yada wax loogu qori waayey maxaa eey iyo doofaar loogu matali waayey kuwii maalin kasta boorama imaanayey ee dantii samaroon iska ilaaway? AHMED YAASII nin wanaagsan baad tahay waxa aad ka doodaysana waa xaq laakiin adaa baarlamaanka ugu jira samaroonka maxaad uga hadli waydey 8sano ee aan xaq darada la soo jiifnay adiga iyo saaxiibadaa kugula jira baarlamaanka iyo guurtidaba samaroon horaad u gabteen maanta hadalkiinu waa mid ujeedo leh kuwa u riyaaqsanina waa kuwo dan gaar ah wata waxanse odhan lahaa walaalayaal nin raali ku ah xaalada aan ku soo jiray 10 sano oo reer awdal ahi ma jiro Hase ahaatee maanta ma bilaabmin ee SIDAA MA ISKU QABNAA MISE WAAN QASANAA ? 

   

No comments: