HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Wednesday, December 1, 2010

Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku dagaallamay Buur-Hakaba

Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku dagaallamay Buur-Hakaba

Arbaco, December 01, 2010(HOL): Dagaal muddo saacad ah socday oo ka dhacay Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa uu dhexmaray Xoogag kala taabacsan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaartay oo aan ilaa iyo haatan laga heynin tiro sugan.

Dagaalka ayaa wuxuu qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degmada Buur-Hakaba oo uu gacanta ku hayay Ururka Xisbul Islaam, lamana yaqaano rasmi ahaan wixii dagaalkan sabayay.

Degmada Buur-Hakaba ayaa ka mid ah Shan Degmo oo uu ka kooban yahay Gobolka Bay, kuwaasi oo kala ah Baydhabo, Diin-soor, Qansax-Dheere, Ufurow iyo Buur-Hakaba. Buur-Hakaba waxayna ahayd Degmada kaliya ee uu Ururka Xisbulka Islaam uga sugnaa Gobolka Bay.

Ururka Xisbulka Islaam wuxuu Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo dhan kaga sugan yahay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, Degmooyin yar oo ka tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose, iyo Banaadir iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana inta badan Xisbul Islaam looga saaray Koofurta Soomaaliya dagaal uu la galay Al-Shabaab.

Dagaal bartamihii sanadkan labada dhinac ku dhexmaray tuulo u dhow Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa isna wuxuu aakhirkii keenay in  Xoogaggii Xisbul Islaam markii laga adkaaday ay ku biiraan Xarakada Al-Shabaab, taasina waxay meesha ka saartay dhaqdhaqaaqii Xisbul Islaam uu ku lahaa degmooyinka waa weyn ee Gobolkaas.

Sidoo kalena Oktoobartii hore ayay ahayd markii dagaallo ka dhacay Gobollada Jubbooyinka oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam uu aakhirkii ku soo dhamaaday in Xisbul Islaam laga soo saaro Gobolladaas, waxaana hadda gobolladaas si buuxda uga taliya Xarakada Al-Shabaab.

Ururka Xisbul Islaam oo uu Guddoomiye u yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu dhismihiisa ku yimid kaddib midow ay yeesheen afar Xarrako oo ka tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo kala ah Mucaskarka Raas-kambooni, Mucaskarka Caanoole,  Jabhul-Islaamiya iyo Garab ka mid ah Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya kaasi oo raacsanaa Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa inta badan waxay ka gaabsadaan in ay si dhab ah uga hadlaan dagaallada dhexmara ee sida muuqata salka ku haya dhul ballaarsiga.

By hiiraan online

No comments: