Magaalada Borama oo ku Guulaysatay Abaal-marin Caalami ah
December 1, 2010
By dhako
(Adisababa) 30 Nov.10–Magaalada Boorama ayaa ku guulaysatay abaalmarin caalami ah oo ay ku mutaysatay sida wax ku ool ah ee ay uga hirgaleen mashaariic tijaabo ah oo loogu magac daray mashruuca horumarinta Dawlada Hoose ee loo yaqaano (JPLG) oo magaalda laga fuliyay sanadkii 2009-kii mashaariicdaas ayaa waxa hormuud u ahayd Wasaarada Arimaha Gudaha ee Soomaliland. Munaasabada abaalmarintan Caalamiga oo ka dhacday magaalada Adis Ababa ayaa waxa magaalada Boorama u gudoomay maayarka magaalada Mud. Cabiraxmaan Shide Bile.
Madashan magaalada Boorama lagu gudoonsiiyay shahaadadan caalamiga ah ayaa waxa ay ahayd shir caalami ah oo 22-kii November, 2010 lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, shir hawleedkan ayaa lagu falan-qaynayey mashruuca horumarinta Dawlada Hoose ee loo yaqaano (JPLG). Waxana shirkaasi ka soo qayb galay wafti uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ay xubno ka ahaayeen saraakiil uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cige, madaxda shanta hay’adood ee mashruucani ku midoobay (UN-HABITAT, UNDP, UNICEF, ILO, UNCDF), wakiilo fara badan oo ka socday qaadhaan-bixiyeyaasha saacida mashruucan iyo gudoomiyayaasha 6–da degmo ee uu mashruucani hada ka shaqeeyo, kuwaasi oo kala ah Hargeysa, Borama, Burco, Berbera, Sheikh iyo Oodweyne.
Abaalmarintan ayaa waxa ay magaalada Boorama mutaysatay kadib markii ay dhinaca ka midho dhalinta mashaariicdaasi JPLG-ga loogu magacdartay oo tijaabo ahaa ay kula tartantay magaalada Berbera oo iyadana ay mashaariicdaasi ka fuleen isla sanadii 2009-kii. Qiimaynta iyo bixinta shahaadadan caalamiga ah ayaa ahayd mid dhinacyo baan laga eegayay, waxana ay magaalada Boorama noqotay mid ku guulaysatay in ay 80% ka shaqaysiiso mashaariic Shan ah oo ay 2 wadooyin cusub oo ka hirgalay xaafadaha Sh. Cismaan iyo Sh. Cali Jawhar yihiin , 2 kalana ay ahaayeen hirgalinta xarumo shirar loogu talo galay oo lagaga arinsado hormarinta bulshada oo ka hir galay xaafdaha Sh. Axmed Salaan iyo Sh. Makaahiil, iyo mashruuc kale oo ahaa berkad biyo oo laga sameeyay tuulada Gorayo-Cawl.
Maayarka Magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo madashaasi caalamiga ah ka hadlay kadib markii shahaadaasi abaal marinta ah la gudoonsiiyay ayaa waxa uu ahaa mid ay shucuurtiisa ka muuqatay dareen farxadeed oo aad u badadan waxana uu u mahanaqay deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee mashaariicdan maalgaliyay, haayadaha caalamiga ah ee mashaariicdan soo gaadhsiiyay dalka, wasaarada arimaha gudaha oo magaalada Boorama u dooratay inay ka mid noqoto degmooyinka laga hirgalinayo mashaariicdan iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee suurto galiyay hirgalinta mashaariicdaasi. Maayar Cabdiraxmaan Shide waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in mashaariicdan hirgalay ay wax badan suurto galiyeen dadka reer Boorama oo ah ayuu yidhi waa dad waxqabadka jecel isla markaana hamigoogu uu yahay inay arkaan magaalada Boorama oo ah mid ka hormarta dhinacyada kaabayaasha dhaqalaha.
Maayarku mar kale isaga oo ka hadlayay sida hormar dhinacyo kala duwan lahi uu uga jaanqaaday magaalada Boorama ayaa waxa uu yidhi “ Wado Laami ah oo ay dawlada Hoose horgalisay sanadii 2008dii iyo labadan wado oo mashruucan JPLG-ga ka hir galay ayaa waxa ay horseed u noqdeen in taariikhda markii ugu horaysay ay magaalada Boorama yeelato basas iyo gaadiid kale oo nooca dadwaynaha ah oo fududeeya isu socodka dadwaynaha sii kordhaya ee magaalada… waa guul la taaban karo oo u soo hoyatay dadka reer Boorama, waxana ay tani kalsooni buuxda ka siinaysaa xukuumada S/Land iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ahba in Boorama ay tahay mid guul ka soo hoysay mashruucan wajigiisii tijaabada ahaa isla markaana diyaar u ah inay fuliso mashaariic kale oo intan ka badan oo badidoodu noqda kuwo ka turjumaya baahida ay bulshada reer Boorama qabto mustaqbalka dhow hadii Alle yidhaa.
Sidoo kale magaalda Berbera oo ahayd magaalada tartanka xooggan la gashay magaalada Boorama ayaa ku guulaysatay kaalinta labaad ee hirgalinta mashaaricdaas horumarinta ah, waxana madashaasi lagu gudoomsiiyay Duqa Degmada Berbera Mud.Cabdale Maxamed Carab shahaado dhiiri-galin ah.
Marka dib loo milicsado ujeedooyinkii shirkaasi caalamiga ahaa ee ay magaalada Boorama guusha wayn ka soo hoysay ayaa waxa uu ahaa mid lagu falan-qeeyay waayo-aragnimooyinkii iyo caqabadihii laga dhaxlay mashaariicdaasi tijaabada ahaa ee ka fulay magaalooyinka Boorama iyo Berbera isla markaana lagu ansixiyo qorshe-howleedka sanadka soo socda ee mashaariicdan loo yaqaan JPLG-ga.
Si kastaba ha ahaayee waxa kale oo shirkaasi ka soo baxday in sanada 2011 mashruucan la balaadhiyo lagana dhigo mid ka qabsooma 6-da degmo ee kala ah Hargeysa, Borama, Burco, Berbera, Sheikh iyo Oodweyne, waxana ay dagmooyinkani markale sanadka 2011 tartan kan oo kale ahi ku dhex mari doonaa caasimada Hargaysa oo noqondoonta magaalda horgalisa shirkan shirka xiga.
Mashruucan Horumarinta Dawladaha Hoose ee Somaliland, waa qorshe shan sano ah, kaasi oo ay iska kaashanayaan hirgalintiisa Dawladaha Hoose ee Somaliland, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah.
Lugahaynews
No comments:
Post a Comment