HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Wednesday, December 1, 2010

Mooshin xilka lagaga xayuubinayo shir gudoonka wakiilada oo ay wataan inta badan xildhibaanadu

Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo Shirguddoonka Wakiilada Oo Ay Wataan Aqalabiyada Xildhibaanadu
December 1, 2010
By dhako
(Hargaysa) 30 Nov.10–Mooshin xilka lagaga xayuubinayo shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland Guddomiyaha C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro), guddoomiye ku xigeenka kowaad C/casiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeenka labaad  Baashe Maxamed Faarax oo ay wataan aqalabiyada xildhibaanadu ayaa la horeyn doona fadhiga uu maanta yeelan doono golahaasi, taaso iloxogaal ahi ay Haatuf u xaqijiyeen mooshinkaasi oo nuxur ahaan xanbaarsan wax ka badal lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha qodobkiisa 7-aad oo dhigaya in xubnaha shirgudoonka lagu ridi karo cod dhan 55 oo ah laba meelood tirada guud ee goluhu ka kooban yahay lagu doonayo in cod hal dheeri ah laga dhigo ka dibna codka kalsoonida loogu qaado shirgudoonka.

Mooshinkan xilka xayuubinta shirgudoonka golaha wakiilada oo ay hogaaminayaan wakiilada xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE  oo ay raacsan yihiin mudaneyaasha laba xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID oo la sheegay inay soo saxeexeen 29-tan mudane oo sadexda xisbiba ka soo wada jeeda ayaa la sheegay inuu dabada ku hayo cadho ay mudanayaashu ka qabaan socdaalada u shirgudoonku dibadaha ugu baxo oo ay u arkaan mid kaligii uu isku koobay, isla markaana anay waxba kala soconin taas darteedna ay ku go’aan qaateen in isbadal ay ku sameeyaan hogaankooda shirgudoonka isla markaana ay doortaan hogaan cusub oo hogaamiya golaha muddada labada sanno iyo sideed bilood ee golaha guurtidu xilka u kordhisay.

Mooshinkan xilka qaadista shirguddoonka ayaa xeer hoosaadku awood u siinayaa wax ka badalkiisa guddida joogtada ee golaha wakiiladu inay golaha soo hordhigto soo jeedinta wax ka badalka xeer hoosaadka, taasoo aqalabiyada joogtaduna ay isku raac san yihiin sida la sheegay in isbadal lagu sameeyo shirguddoonka isla markaana la filayo in golaha ay soo hor dhigi doonaan marka mooshinkaasi shirguddoonku u soo gudbiyo.

Ilaa hadda si rasmi ah xildhibaanada mooshinka wataa umay cadaynin xubnaha cusub ee shirguddoonka ay u wataan kuwa ay noqon doonaan, hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola golaha wakiilada ayaa Haatuf  u sheegay in guddomiyaha cusub ay u wataan xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (KhadarAmbasador) oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga UCID  ee laga soo doortay gobolka Hargeysa isla markaana ka mid ah  mudaneyaasha ay isku haybta yihiin guddoomiye C/raxmaan Ciro, halka gudoomiye ku xigeena loo wado xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, gudoomiye ku xigeena xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Bare).

Dhinaca kale Mooshinkan xilka lagaga qaadayo shirguddoonka wakiilada ayaa ku soo beegmay xili gan oo ay socdaal dibadeed dalka kaga maqan yihiin Guddoomiyaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro iyo Guddoomiye ku xigeenkii Koobaad C/casiis Maxamed Samaale, kuwaas oo ku maqan dalka Jarmalka iyo dalal kale oo yurub ah, balse waxa wakhtigan ku sime ka sii ah golahaasi guddoomiye ku xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax. 

haatuf

No comments: