HOHOLNEWS IS NEW WEBSITE


PLEASE VISIT THE BEST SOMALI WEBSITE WWW.HOHOLNEWS.COM


Monday, December 20, 2010

Xukuumadda Somaliland oo baaq u dirtay Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shir uga socdo dalka Jabuuti

(Hargaysa) 20 Dec.10–Dawlada Somaliland, ayaa ka hadashay siday u aragto shir maalmihii u dambeeyay koox aqooyahano Soomaaliyeed ah uga socda dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo wax ka qabanaysa mashaailka ka taagan Soomaaliya, wuxuuna baaq u jeediyay aqoonyahanada shirku uga socdo dalka Jabuuti.”Waxa jira shir aqoonyahanka Soomaaliya uga socda Jabuuti oo ay kaga hadlayaan arrimaha Soomaaliya, laakiin shirkaasi wuxuu u gaar yahay sidii mashaakilka muddada dheer ka socday Soomaaliya loo daraasadayn lahaa afkaar wax ka tari karta looga soo jeedin lahaa,” ayuu yidhi Dr.Maxamed Cabdilaahi.  “Waana arrin aanu soo dhaweynayno arrinta Soomaaliya cidii wax ka qaban kartaaba inay wax ka qabato,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi, “Hase yeeshee, waxaanu ugu baaqaynaa mutacalimiinta arrimaha Soomaaliya ka shaqaynaya inay hadaladoodu ku koobnaadaan xalinta mushkilada Soomaaliya oo aanay hadalo laaqiya oo aan ku haboonayn Somaliland aanay ka hadal.”

Aqoonyahanka ku shiraya dalka jabuuti ayaa waxa ka mid ah Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu ah Aqoonyahan u dhashay Somaliland, balse si mug leh uga shaqeeya midnimada Soomaaliya, hadalkan Wasiirka Arimaha dibada ayaa isagu noqonaya odhaahdii ugu fiicnayd ee loo diro shirkaas, Aqoonyahanka Soomaalida ee ka socda Jabuuti.

by awdalpress

No comments: