Hoggaamiyihii Xisbul-Islaam Sh. Xasan Daahir oo isku dhiibay Alshabaab
December 19, 2010
(Muqdisho) Wararka ka imaanaya deegaanada Ceelasha biyaha, ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha maleeshiyaadka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys iyo maleeshiyaadkii uu hoggaaminayey ay isku dhiibaan maleeshiyaadka Shabaab.
Ilo Xog-ogaal ah oo Radio Bar-kulan la hadlay, ayaa sheegay in kulamo xasaasi ah oo ilaa xalay ka socday qaybo ka mid ah degmada Afgooye lagu go’aamiyay in hoggaamiyaasha iyo maleeshiyaadka Xisbul Islaam la midoobeen Al-shabaab.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hoggaanka sare ee maleeshiyadka Xisbul Islaam, balse saldhigyada maleeshiyadkooda ayaa maanta lagu arkay astaamo ay caan ku yihiin maleeshiyaadka Shabaab.
Hoggaamiyaha maleeshiyadka Xisbul Islaam, ayaa kal hore ka biya diiday in uu ku biiro maleeshiyaadka Shabaab, sababo la xiriiro in uusan raali ka noqon doonin in uu aqbalo magaca Shabaab.
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa dhawaan la wareegay magaalada Buur-hakaba, iyadoo culeys la saaray degmada Afgooye iyo deegaanada loo barakacay oo ah goobaha ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaadka Xisbul Islaam.
by awdalpress
No comments:
Post a Comment