Awdalchroniclenews October 29, Boorama- waraka naga soo gaadhaya magaalada boorama ayaa waxay sheegayaan inay magaalada soo gaadheen xildhibaanada labada gole ee somaliland kaga jirara gobalka awdal/salal ay soo gaadheen magaalada boorama balse waxa adag sida looga helo waxa dhabta ah ee ay isku soo wada raaceen intooda badani waxa weheliya wasiirka beeraha md-faarax limi iyo wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada md-cali xaamud jibriil,
wararku waxay intaa ku darayaan in ay beryahanba qolooyinkani ay raadinayeen xal si ay iskugu soo dhaweeyaan dadka ku dhaqan goboladaa oo ka sii fogaanayey la shaqaynta dawlada cusub ee siiraanyo ayagoo soo daayey dhawaan dhalinyaradii lagu xidhxidhay magaalada boorama dhawaan ku waa oo lagu eedeeyey inaay abuurayeen nebedgelyo xumo arintu si kastaba ha ahaatee waftigani waxaan shiki ku jirin inay xal raadis yihiin waxayse su'aal ka taagan tahay sida ay ugu qancin karaan dadka ka soo horjeeda madaxweynaha cusub oo u muuqda dhegihiisu inay u daloolaan hal qabiil oo markii ugu horaysay u muuqda inay waxkasta keli ku noqdeen somaliland hadaba reer awdal/salal naf ahaantoodu arinta kama wada taagna hal meel ee waxa jira laba qaybood oo laba mowqif ka kala taagan arimaha jira oo iska soo kala hor jeeda iyo qola sedexaad oo iyagu u dhaxaysa labada kale isku soo wada doob oo waxay dhamaan isku raacsan yihiin in dowlada cusub iyo tii horaba aydulin ku sameeyeen gobolada awdal/salal ayna tahay dawlada cusubi inay jawaab waafi ah ay ka bixiso xaqdarooyinkaa,
by dhakabir@hotmail.com
Posted by Awdalchroniclenews
Friday, October 29, 2010
Thursday, October 28, 2010
HAMBALYO MARWO AMAAL X-AXMED MIISAAN XIDDIGTII HAWEENKA SOMALILAND
>HAMBALYO -HAMBALYO - HAMBALYO
Awdalchroniclenews October 28/2010 - Boorama - Madaxweyne Ahmed Mohamed M. Siiraanyo iyaa u magacaabay Marwo AMAAL Xaaji Ahmed Miisaan inay noqoto u qaabilsanaha arimaha haweenka ee somaliland tani waxay farxad galisay dhamaan haweenka Soomaliland , gaar ahaan gobolada Awdal/Salal waxanan iIlaahay uga baryaynaa inuu xilkaas loo doortay ku guuleeyo si ay wax uuga qabato horumarka haweenka somaliland
Madaxweynuhu wuxuu magacowga AMAAL ku cadeeyay inuu hirgalinaayo balanqaadyadii u sheegay waxtigii olelaha isagoo barigaas shaaciyay inuu wax u qaban doono haweenka dalka ee la daayacay.
Anagoo ah bahweynta Awdalchroniclenews waxan leenahay siiraanyo hambalyo waxaad magacawday shaqsiyad qaali ah waanan kugu amaanaynaa xilka aad u magacawday amaal inkastooy ahayd inaad magacawdo mar hore waxan leenahay madaxweyne shaqo fiican baad qabatay markani

Saturday, October 23, 2010
Ayaa ku eedaysan cadaalad darada saami qaybsiga somaliland
Ayaa ku eedaysan caddaalad-darrada Saami-qaybsiga Golayaasha Dastuuriga ah ee Somaliland?
October 23, 2010
By staff-reporter
Awdalchroniclenews– Riyadh – Kaddib, burburkii Qarankii Soomaaliyeed ee qabyaaladdu furfurtay, waxa uu Ururkii SNM 18/05/1991kii kaga dhawaaqay magaalada Burco – Gobolka Togdheer in Ex.British Somaliland Protectorate ay la soo noqotay dawladnimadii lagula bahoobay Koonfurta Soomaaliya 01/07/1960, isagoo ugu magac bixiyey “Jamhuuriyadda Somaliland”; isla markaana ku soo magcaabay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ku meel gaadh ah oo kala ahaa Marxuum.Cabduraxmaan Axmad Cali iyo Xasan Ciise Jaamac; taas oo beelihii kalena ay soo dhaweeyeen.
Waxa haddaba isweydiin leh sababta ay beelihii kale ay u aqbaleen dhawaaqa iyo maamulka ay SNM la kaliyowday.
Jawaabta su’aashaasi waxan u dhaafayaa akhristayaasha iyo dhammaanba bulshada Somaliland isagoo qofkii doonaa rakaabsi ahaan u adeegsan karo qodobadan hoose:
1- Waxay u aqbaleen si ay u dhalato nabad loogu kulmo wada-tashi iyo wax-wada-qabsi dib loogu soo yagleelo maamul u gaar ah degaannadii ugu hor xoroobay Soomaalidii Gumeysigu qaybiyey.
2- Waxa ay u aqbaleen baqdin ay ka qabeen SNM oo loogu dhawaaqay in Gobollada Waqooyi isku dhiibaan.
3- Ta koowaad oo aad tafaasiil ka bixisid.
4- Ta Labaad oo aad tafaasiil ka bixisid.
5- Tu ka duwan labada hore – fadlan sheeg oo tafaasiil ka bixi.
Madaxweyne: Marxuum Cabduraxmaan Axmad Cali waxa uu soo dhisay xukuumad ku meel gaadh ah oo aan ku dhisnayn saami beeleed iyo Gobollo midnaba; taas oo shaqadeeda ugu muhiimsani noqoto inay JSL u diyaariso hannaan caddaalad iyo diimuqraadiyad ku dhisan oo lagu unko qaran haykakiisa maamul dhameystiran yahay.
Nasiib darro, arrintaasi ma suurta gelin, balse waxa dib u oogsaday dagaallo sokeeye oo jufo-jufo ah o u dhexeeya beelihii SNM qaarkood; sidaa awgeedna beelihii kale ee Somaliland waxay dadaal u galeen sidii ay dabkaa u bakhtiin lahaayeen.
Ilaahay waa uu ku guuleeyey, waxana halkaa ka dhashay in gogol Somaliland la dhigo magaalada Borama – Gobolka Awdal oo lagu doortay jawi nabadeed iyo xasilloonaan awgeed; isla markaana lagu dhawaaqo “Shir Beeleed” ay isugu yimaaddaan ergooyin ka kooban dhammaan bulshada Somaliland si loogu dhiso haykal qaran oo beeluhu u dhan yihiin.
Shirkaasi oo muddo badan la fadhiyey waxa lagu doortay madaxweynihii labaad ee JSL oo noqday Marxuum Maxamd Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweyne-ku-xigeen Cabduraxmaan Aw Cali Faarax; waxa kale oo lagu diyaariyey Axdi Qarameed ku meel gaadh ah oo loogu gudbo Dastuur heshiis lagu yahay.
Madaxweyne Marxuum Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa ruug caddaa siyaasi ah ayaa isaguna wuxu soo dhisay xukuumad u ku suntay “Waa Xal ee Xaq maaha” isagoo ka simay golihiisi xukuumadda saraakiishii ciidamada ee halganka dagaal u soo gashay madaxbannaanida Somaliland.
Xukuumaddii xalka aheyd iyadana waxa uu waqtigii kaga dhammaaday weerar beeleed iyo madaarka Hargeysa, in kasta oo qaabka dagaalku ka duwanaa kuwii jufa-jufada ahaa; waxanse shaki ku jirin in Allaha u naxariistee Madaxweyne Cigaal uu wax weyn ka beddeley qaabkii hornog la’aanta ahaa, dadkana baray hannaanka dawladnimo lagu gaadhi karo; sidaa awgeedna mar labaad loogu doortay madaxweyne, halka ku-xigeenna uu ku soo baxay Daahir Rayaale kaahin.
Madaxweyne Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii ambaqaaday diyaarintii iyo dhammaystirkii Dastuurka Qaranka oo cod aqlabiyad ah uu ku ansixiyey shacbiweynaha reer Somaliland -halkaana waxa loogu gudbay buuxinta saamiga beelaha ee Golayaasha Dastuuriga, gaar ahaan sharci dajinta (Guurtida iyo Wakiillada) oo tirooyinkooda Dastuurku xaddiday hase yeeshee aanay ku qeexnayn sida beeluhu u kala helayaan.
Qodobbada 40 iyo 60aad ee Dastuurku waxa ay tilmaamayaan tirada labada Gole ay kala noqonayaan oo min 82 xubnood ah; sidaa awgeed, sida illaa maanta loo kala leeyahay saami ahaan waxay tahay sidan hoose:
Magaca Ardaayada Golaha Guurtida Golaha Wakiilada Isugeyn Nisbad %
I S A A Q 45 56 101 62%
H A R T I 18 12 30 18%
GADABUURSI 10 13 23 14%
C I I S E 4 1 5 3%
K A L E(Others) 5 0 5 3%
82 82 164
Haddaba; su’aasha mawduuca maqaalka oo nuxurkeedu ku soo ururayo sida ku cad shaxdan sare ayaa haddana waxa aan toos u muuqannin cidda sidan wax u qaybisay iyo tiirarka lagu dhisay. Waxa kale oo iyaduna isweydiin mudan sida raalli loogu wada noqday ee illaa maanta loogu dhaqmo -maxaase xukuumad aan Dastuurkuna xadaynin oo madaxweyne shaqaale ahaan u soo dirsaday looga qayliyaa ee kuwan Dastuuriga ah looga hadli waayey.
Arrintani iyo kuwa kale oo nolosha bulshada toos u taabanayaaba waxa ay ku tisqaadi karaan caddaalad, haddii la waayana waxay horseedaysaa burbur iyo furfurasho ku yimaadda wax kasta oo dadaal badan lagu soo xidh-xidhay ama lagu dhisay; tusaale aan muran laheynna waxa innoogu filan dawlado xoog waaweyn oo hub nooc walba haysta ayaa cod ama hub qoriga ugu yar ka carara oo ku duma; waxase xaqiiq ah inay caddaalad xumo u dumeen ee sabab uun looga dhigay cidda cod ama qori kala hor timid.
sidaa darteed; waxa diinta, caqliga fayow iyo cilmigaba aan ku bannaaneyn in qofna wuxuu naftiisa u qaadi waayo inuu qeyrkii ku riixo ama oggolow ku yidhaa.
?????? ?? ??? ? ???? ?????. ??? ???? ??? ???? ????
Waxan ku soo gabagabeynayaa, soona jeedinayaa in jawaab loo helo su’aasha mawduuca; kadibna loo gudbo wixii xal u noqon kara si aynu u toosino wixii khaldan.
Madaxweynaha JSLna waxan u soo jeedinayaa inuu arrintaan fiiro gaar ah u yeesho, lana kaashado La-taliyaha arrimaha Golayaasha Baarlamaanka ee uu dhawaanta magcaabay; isla markaana u adeegsado qodobka 126aad ee Dastuurka sidii dibu-eegis iyo wax ka badal dastuuri ah loogu sameyn lahaa arrinta saami-qaybsiga Golayaasha sharci dajinta(Guurtida & Wakiilada).

Friday, October 22, 2010
Mahad Celin iyo Bogaadin
GENERAL YOUSUF TALAN ALI, WAA LAMA ILAAWAAN:
---================================================
Inkasta oo ay aheyd in mar hore arrintan mudnaanta gaarka ah leh lagu talaabsado; haddana, waxba ma leh
oo wax kasta oo ad jeceshahey uma qabsoonto sida ad rabtid iyo waqtiga ad doonayso,waxeyse qabsoontaa
marka Ilaahey aqbalo. Waxaan filayaa in ay maanta tahey maalintuu Ilaah ina karsiiyey in loo guntado arrinkan
nooleynta magaca G.Yousuf Talan Ali, allaha janadii ka waraabiyo.
It is never too Late! Waa in halkaa lagaga hadhin ee sida ay tahey loo meelmariyo,
Waxan si gaar ah ugu mahad celinayaa inta isku hawshey ee an hubo in dadaal iyo waqti badan u hureen
Ilaaheyna ha ka jasaai siiyo.
Waxan hubaa in ay jiraan dad kale oo farabadan oo hamiga ku hayey, marnaba aanu G Talan maskaxdooda
ka faaruqin, Sida, Mustafe Abdillahi Warsame, oo web site aan hore loo aqoon an ku arkey maqaal ah
Taariikhdii G Talan, maalma yar uun ka hor tan Ottowa.
Si kastaba ha noqotee reer Ottowa guud ahaan iyo gaar ahaan intii sida tooska u wadey,mahad,qadarin iyo bogaadin ayey mudan yihiin. Ballankeenu waa ka qeybgal RUN ah.
Waad salaaman tihiin dhamaan.
By Abdi Geireh Awdalchroniclenews
Tuesday, October 19, 2010
Talan foundation for human right
Awdalchroniclenews.com.October 19,2010 -Xus Loo Sameeyay Gen.Tallan Oo Ka Dhac-ay Canada Iyo Urur Magaciisa Xambaarsan Oo Lagu aasaasay canada,otawa markay ay taariikhdu ahayd October 17, 2010 waxaa magaalada Ottawa ee dalka Canada lagu qabtay munaasibad si fiican loo soo diyaariyay oo lagu xusayo sanad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay dilkii loo gaystay lahaa ee loo gaystay General Yuusuf Talan Cali.
Dilkaas oo ay hadda kasoo wareegtay 10 sano ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya, Munaasibadaas oo aad looga sooqayb galay waxay isugu jirtay laba qaybood:
1) Xuskii iyo taariikhdii General Yusuf Talan Cali
2) Assaaska urur loogu magacdaray Talan Foundation for Human Rights
Munaasabada oo si weyn la isugu dubariday oo uu hagayay Xasan Cabdi Aden ayaa waxa kazoo qayb galay dadaweyne aad u tiro badan oo kasoo jeeda gobolada Awdal, salal iyo Gabiley kuwaasoo ka yimid gudaha iyo daafaha magaalada Ottawa.
Xidhiidhiye Xasan waxa uu hortaba kusoo dhaweeyay makrofonka Sheekh Maxamed Xuseen Hadi si uu akhriyo aayadaha quraanka ee lagu furayay madasha uu shirku kasocday quraankii kadib ayaa waxa hortaba hadlay ugaaska beesha Samaroon Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble isagoo dadkii halkaa isugu yimid ku adkeeyay inay ilaaliyaan midnimada iyo walaaltinimada wuxuuna erayo kooban oo duco ah kusoo xidhay hadalkiisii.
Prof Axmed ismaacil Samatar oo kaga soo qayb galay shirka hadal cod ah isaga oojooga dalka maraykanka ayaa sheegay in Gen.tallan uu darajadiisa ku helay aqoontiisa iyo kartidiisa Samater oo hadda ah guddoomiyaha golaha tolka oo xaruntiisu tahay dalka maraykanka wuxuu intaa ku daray inuu genenku ahaa nin hawlkar ah.
Aqoonyahanadii ka hadlay goobtii xuska waxa iyaguna kamid ahaa Xaaji Cumar Cabdi Cige oo ah nin ay generalka aad isugu dhawaayeen wuxuuna qayb ahaan soo bandhigay taariikhdiisii oo u aad ugu dheeraaday.
Cabadiraxmaan Cumar Cigaal iyo Xildhibaan Cabdikariim Cige Guuleed ayaa iyaguna aad usoo sheekeeyay taariikho aad u badan oo ay ka hayeen Allaha unaxariistee Gebneral Yuusuf Tallan Cali waxaana ay dadka xasuusiyeen arrimihii iyo kulanadii ay lawadaageen general Tallan.
Waxaa mikrafoonka la wareegay Jaamac Cismaan Geele oo iska lahaa fikirka xusida Jananka wuxuuna goobta kusoo bandhigay taariikhdii jeneral Tallan iyo ooridiisa khadra Cabdi Cilmi wuxuuna micno gaar ah ka bixiyay
Ujeedada loo asaasay ururka iyo wuxuuna si weyn uga dheeraaaday taariikhdiisii isagoo bandhigay cajalad cod ah oo uu duubay general tallan sannadkii 1999kii, waqti shir kadhacay magaalada gatineau uu kaqayb galayay cajaladaas oo markii ladaawaday waxa ay dadkii ku abuurtay dareen iyo fikir xusuus lama ilaawaan reebtay.
Cibaada Xuseen oo ah xubin ka tirsan golaha weyn ee tolka ayaa iyaduna halkaa ka akhriday labo gabay oo mid si farriin ah ay usoo gaadhsiisay Rooda Mizaan midna y iyadu ku darsatay munaasibadaasi
Ugu dambayntiina waxaa iyaguna madasha ka hadlay Miss Anita Vandenbeld oo ka tirsan xisbiga Liberaalka ee Canada iyo Mudane Cabdiraxmaan Cumar Kaahin wuxuuna cabdiraxmaan soo jeediyay in loogu ololeeyo in Gen.Tallan loo bixiyo magaciisa mid kamid ah waddooyinka magaalada Ottawa.
Sida dad badan ay xusuustaan allaha unaxariistee General Yuusuf Tallan Cali waxa uu ka qayb galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaliyeed ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka jabbuuti sannadkii 2000 markii la yagleelay dawlad ku meel gaadh ah waxa Gen.Tallan kamid ahaa saraakiishii millatari ahaan uraacday si ay usiiyaan fikradahooda ciidamada la dhisayo waxana General Yuusuf Tallan Cali lagu dilay magaalada muqdisho 17kii oct 2000.
Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Ottawa

Sunday, October 17, 2010
Xoola dhaqatada xeebta oo ka cabanaaya ciidamo badan oo la soo dhoobay
Xoolaha dhaqatada Xeebaha Awdal oo ka cawday ciidamo dhawaan soo degay Bulo Cado oo xoolo ka qashay
Djibouti(Awdalchroniclenews.com)-Sadex qoys oo ka tirsan dadka xoolo dhaqatada xeebaha Awdal oo ayaa maxakamada magaalada Saylac keenay dacwad ka dhan ah ciidamo Somaliland ah oo dhawaan lasoo dhoobay xeebaha Awdal. Muuse Aw-Jamac, Barkhad Cabdi iyo Cumar Rooble oo ay shabakada saylac.com kula kulantay magaalada Lawyacado ayaa waxay noo sheegeen in bishan 14keedii goor lagab ah ciidamada somaliland ee xeebaha yimid ay 5neef oo geela ka qasheen.
Barkhad Cabdilahi oo ka mid ah qoysaskan ciidamada Somaliland ay ka qasheen xoolaha geela ah ayaa waxa uu yidhi” Markii ay ciidamadu noo yimaadeen ka hor waxay noo soo direen laba nin oo gaadhi wata waxayna noo sheegeen in ciidamadu doonayaan xoolo iib ah oo ciidamada loo qalo, Mudo yar ka dib markii aanu dhawrkii neef ee iibka galayey aanu geela kasoo reebnay ayuu nin ka mid ah labadii nin ee ciidanka ahaayi Telefoon diray waxanu nagu yidhi waxaan sugaynaa lacagtii ee naga war suga.. Mudo yar dabadeed waxa nasoo gaadhay Gaadhi kale oo ay saaran yihiin niman ilaa 7 nin ahi xoolihii ayey hortayadii ku qaleen hilmahoodiina saartee Gaadhigii ay wateen anagana wax lacag ah oo ay nasiiyeeni ma jirto.. Waar waa sidee waa maxay waxan aad samaynaysaani ayaan ku celinay waxayna nagu yidhaahdeen ” lacagta taliyaha ayaan usheegyanaa bari ayaana la idin keeni doonaa ” Wax lacag ah oo ilaa sadex casho naloo keenayna ma jirto.
Halkii ayaanu aniga iyo nin aanu seediya nahay oo xoolaha wada lahaayi intii hadhay ku kaxaysanay cabsi iyo jahawareen ayaana nagu dhacay.”
Xoolo dhaqatadan durba ciidamada somaliland ee dhawaan lasoo dhoobay xeebaha Awdal ay kula kaceen dhaca iyo boobka ayaa sababtey in xoolo dhaqato badani xoolohoodii ku talo jiraan inay ula guuraan degaano aad uga fog saldhigyada ciidamada somaliland ee xeebaha Awdal.
Sadexdan Xoolo dhaqato ayaa saxaafada u sheegay inay maalinta Talaadada inagu soo fooleh ku talo jiraan inay dacwadooda u gudbiyaan maamulka degmada Saylac.
Waa markii ugu horeysay taniyo markii Jamuuriyada Somaliland gooni isku taageeda ku dhawaaqday ee ciidamo Somaliland oo xeebaha ku sugani ay xoolo ka qashaan dadka xoolalayda ah ee xeebaha degan.
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti

Ahlu-suna iyo TFG oo la wareegay beled xaawo
Ahlu-Sunna iyo TFG oo qabsaday Beled-Xaawo
October 17, 2010
By staff-reporter
Awdalchroniclenews(Balad Xawa) 17 Oct.10–Ururka Ahlu_Sunah iyo miliishiyooyin taabacsan Dawladda KMG ah ee Somalia, oo sida la sheegay a soo duuley dhinaca Dolow, ayaa saaka qabsaday magaalada Beled_xaawo ee gobolka Gedo, kana qabsaday al_shabaab oo hore degaanaasi u haysatey.
Inta la ogyahay, ilaa dhawr iyo toban qof ku dhintay, in badan oo kale, oo ay ku jiraan dad rayid ahina waa ku dhaawacmeen dagaalladaasi saaka. Dhinaca kale, waxa jira dadweyne aad u fara badan oo ka qaxay magaalada Beled-xaawo, una qaxay dhinaca Mandera ee Kenya.
Ciidamada qabsaday Beled Xaawo, waxa la sheegay inay ka soo duuleen degaanka Doolow ee xadka Ethiopia, waxana hoggaaminaya Barre Hiiraale oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia.
Ciidamadii al_shabaab ee hore u haystay Beled Xaawo waxa la sheegay inay u baxeen dhinaca Bari meel u dhaxaysa Beled_xaawo iyo Garbahaarrey.
Ma aha markii ugu horreeyey ee ay isbedesho gacan-ku-haynta Beled_xaawo, iyadoo marar hore ay kala qabsadeen al_shabaab iyo Ahlu_sunnah, marba mid.
Dhinaca kale, ilaa 4 qof ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna saaka ku dhinteen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu, ka dib markii ay isku dhaceen milishiyooyin ka kala tirsan al_shabaab iyo Xibul_Islam.
BBC

HADII ISKU XUMAYNTII JIBRIIL YOONIS OYO MAXADCASE HALKAA DHIGTAY SAMAROON MAXAA AAMUSIIYEY HABAR CAFAAN ?
Awdalchroniclenews ( Houston TX ) Ma jecleeyn inuu samaroon jabo waanse jeclaa inuu jibriil yoonis jabo hase yeeshee jabka jibriil yoonisna waa jabkayga oo maanta waan wada jabnay ee jibriil yoonis keligii ma jabin ee maxadcasoow sidan la idinka yeeli maayo,
Hadii isku xumayntii makaahiil iyo maxadcase halkaa dhigtay gadabuursi maxaa u tala ah habar cafaan ? Midi midi ku taag matalaa?
Reerku wuu dulmanyahay waxase kaba daran taa taladii dulinka looga bixi lahaa lama hayo lamase garan waayine waan la doonayn,
Gardarooyin badan ayaa dhacay ninase dusha uma ridan guuldarada ku habsatay gadabuursi waa wax aan u dhanahay nina keli kuma aha
Habar carfaan way dulmantahay garabse ma haysato oo dulinka waxa keenay walaalaheed aay is cunaysaa waraabe iskama celiso ayaa hore loogu mah maahay,
Waxan hadal kayga uga jeedaa sidan soo socota Samaroon godka loo qoday waxa ka masuul ah ninkii ogolaaday ( SNM ) inuu wax la qaybsado waxase sharaf ku dhinta gadabuursigii kale ee yidhi ha la raaco aan aragno halkuu ina geeyee, hadiise la arkay godkii aan ku dhacnay maahin cadha dooda in qolo kale tidhaa anakuna god ka sii dheer ayaan samaroon ku sii ridanaa hayse iyaguna kaga dhabeeyeen ooy meel ka daran nagu hogaamiyeen, makaahiil inuu ka hadlo xaq uma laha hadalna uma banaana waxase hadal u banaan yahay waa habar cafaan inay qabato maxad case qaladka ay ku socdaan in kastoo ay odhan doonaan makaahiilba waad daawanaysay waxay sameeyeen ee maxaad aniga ii qabanaysaa ay xaqna u lee yihiin hadana waxa dhacaya maaha wax loo dul qaadan karo hadaba waxan lee hay waa inay habar cafaan fadhiga ka kacdo magacii samaroon wuxu sugayaa habar cafaan siday ka yeesho mar hadii labadii kale ay iibiyeen waa inaan gobo nimo ku dhimanaa oo aan reerka sidan u dhaano makaahiil baa badan iyo maxad casaa badan maaha wax soomaali idiin og tahay waxase la idiin ogyahay waxay isaaq u sheegeen soomaali oo ah inaad yihiin reer yar oo Isaaq la dega maxadcase na soomaali ma taqaan makaahiil na mataqaan waxa la idiin yaqaan ( GADABUURSI ) hadaba xaaladu waa sidaa maysku qabnaa mise waan qasanaa,
Hadii hadaba labadaa reer ay tanaasul keeni waayaan Habar cafaan waa inay tashataa oo aan shirweyne habar carfaan la qabto waxa aan ka yeelayno
Magacii samaroon inaguu dusha Inaga saaran yahaye waa inaan difaacno oo aan dib u soo aas aasno jabhadii ( SDA ) sidaa iyo nabad gelyo.
By dhakabir@hotmail.com

Saturday, October 16, 2010
HADII ISKU XUMAYNTII JIBRIIL YOONIS OYO MAXADCASE HALKAA DHIGTAY SAMAROON MAXAA AAMUSIIYEY HABAR CAFAAN ?
Awdalchroniclenews ( Houston TX ) Ma jecleeyn inuu samaroon jabo waanse jeclaa inuu jibriil yoonis jabo hase yeeshee jabka jibriil yoonisna waa jabkayga oo maanta waan wada jabnay ee jibriil yoonis keligii ma jabin ee maxadcasoow sidan la idinka yeeli maayo,
Hadii isku xumayntii makaahiil iyo maxadcase halkaa dhigtay gadabuursi maxaa u tala ah habar cafaan ? Midi midi ku taag matalaa?
Reerku wuu dulmanyahay waxase kaba daran taa taladii dulinka looga bixi lahaa lama hayo lamase garan waayine waan la doonayn,
Gardarooyin badan ayaa dhacay ninase dusha uma ridan guuldarada ku habsatay gadabuursi waa wax aan u dhanahay nina keli kuma aha
Habar carfaan way dulmantahay garabse ma haysato oo dulinka waxa keenay walaalaheed aay is cunaysaa waraabe iskama celiso ayaa hore loogu mah maahay,Waxan hadal kayga uga jeedaa sidan soo socota Samaroon godka loo qoday waxa ka masuul ah ninkii ogolaaday ( SNM ) inuu wax la qaybsado waxase sharaf ku dhinta gadabuursigii kale ee yidhi ha la raaco aan aragno halkuu ina geeyee, hadiise la arkay godkii aan ku dhacnay maahin cadha dooda in qolo kale tidhaa anakuna god ka sii dheer ayaan samaroon ku sii ridanaa hayse iyaguna kaga dhabeeyeen ooy meel ka daran nagu hogaamiyeen, makaahiil inuu ka hadlo xaq uma laha hadalna uma banaana waxase hadal u banaan yahay waa habar cafaan inay qabato maxad case qaladka ay ku socdaan in kastoo ay odhan doonaan makaahiilba waad daawanaysay waxay sameeyeen ee maxaad aniga ii qabanaysaa ay xaqna u lee yihiin hadana waxa dhacaya maaha wax loo dul qaadan karo hadaba waxan lee hay waa inay habar cafaan fadhiga ka kacdo magacii samaroon wuxu sugayaa habar cafaan siday ka yeesho mar hadii labadii kale ay iibiyeen waa inaan gobo nimo ku dhimanaa oo aan reerka sidan u dhaano makaahiil baa badan iyo maxad casaa badan maaha wax soomaali idiin og tahay waxase la idiin ogyahay waxay isaaq u sheegeen soomaali oo ah inaad yihiin reer yar oo Isaaq la dega maxadcase na soomaali ma taqaan makaahiil na mataqaan waxa la idiin yaqaan ( GADABUURSI ) hadaba xaaladu waa sidaa maysku qabnaa mise waan qasanaa,
Hadii hadaba labadaa reer ay tanaasul keeni waayaan Habar cafaan waa inay tashataa oo aan shirweyne habar carfaan la qabto waxa aan ka yeelayno
Magacii samaroon inaguu dusha Inaga saaran yahaye waa inaan difaacno oo aan dib u soo aas aasno jabhadii ( SDA ) sidaa iyo nabad gelyo.
By dhakabir@hotmail.com
Hadii isku xumayntii makaahiil iyo maxadcase halkaa dhigtay gadabuursi maxaa u tala ah habar cafaan ? Midi midi ku taag matalaa?
Reerku wuu dulmanyahay waxase kaba daran taa taladii dulinka looga bixi lahaa lama hayo lamase garan waayine waan la doonayn,
Gardarooyin badan ayaa dhacay ninase dusha uma ridan guuldarada ku habsatay gadabuursi waa wax aan u dhanahay nina keli kuma aha
Hadii hadaba labadaa reer ay tanaasul keeni waayaan Habar cafaan waa inay tashataa oo aan shirweyne habar carfaan la qabto waxa aan ka yeelayno
Magacii samaroon inaguu dusha Inaga saaran yahaye waa inaan difaacno oo aan dib u soo aas aasno jabhadii ( SDA ) sidaa iyo nabad gelyo.
By dhakabir@hotmail.com
Friday, October 15, 2010
AHLU SUNA OO LA WAREEGTAY CADAADO
October 15, 2010
Awdalchroniclenews(Mogadishu) 15 Oct.10–Dagaal dhex maray maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sababay in ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegaan gacan ku heynta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada Ahlu Sunna ee weerarka ku soo qaaday degmada Cadaado ayaa la sheegayaa inuu hogaaminayay nin magaciisa ku soo koobay Ilkacase kaasoo ciidamada uu hogaaminayay ay magaalada weerar kaga soo qaadeen dhinaca tuulada Xeraale iyo jidka laamiga ee ka yimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dad goob joogayaal ah oo Bar-kulan xiirir la sameeysay ayaa xaqiijiyey in dagaalka ay ku dhinteen labo ka tirsan ciidamada booliska ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo sidoo kale nin ka shaqayn jiray matoorka biyaha siiya dadka degan degmaada Cadaado.Wararka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii maamulka Ximan iyo Xeeb ay magaalada iskaga baxeen kadib markii laga awood batay iyagoo la sheegayo in ay uga baxeen dhanka waqooyiga.
Dhanka kale wararka haatan ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in xaalada magaaladu ay haatan degan tahay iyadoo suuqayada magaalada ay si caadi ah u shaqaynayaan.
Dagaalka ka dhacay magaalada Cadaado ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyagoo magaalada lagu afduubtay labo nin oo mid ka mid ah uu ahaa shaqaale ka tirsan hay’adda samafalka ee Save the children halka kan kalena uu ahaa maamulaha huteelka Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Bar-kulan
dagaal ka dhacay dhuusa mareeb

Magaaladu waxay gacanta u gashay Shabaab oo muddo gaaban magaalada meelo kala duwan ka taagay calan madow, ayaga oo ku dhawaaqaya Allahu Akbar.
Laakiin ka dib markii gurmad ka yimid Guri Ceel iyo Cadaado uu soo gaaray ayay ka baxeen magaalada.
Warkaas waxaa laga soo xigtay dad ka qaxay Dhuusamarreeb oo hadda ku sugan Guri Ceel, laakiin ilo madax bannaan oo xaqjiiyay ma jiraan.
Ahlu Sunna maanta ayay dagaal uu Madaxweyne Shariif ku tilmaamay in uu yahay Munkar waxay ku qaadday magaalada Cadaado.
Hase yeeshee warar laga soo xigtay dad reer Cadaado ka soo jeeda oo Muqdisho jooga waxay sheegayaan in Ahlu Sunna ay isaga baxday magaalada ka dib markii laga qabsaday Dhuusa Marreeb.
Madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa hadda la sheegay in ay ku sii jeedaan magaalada Cadaado.BBC
Thursday, October 14, 2010
MADAXWEYNE SHARIIF OO SOO MAGACAABAY RA'IISAL WASAARE CUSUB
Muqdisho:(Awdalchroniclenews ) OCT:14 Ra'iisal Wasaaraha Cusub ee Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa warbaahinta siiyey hadalkiisii u horeeyey tan & markii galabta xilkaas loo magacaabay,waxaana uu sheegey inuu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabay oo uu sheegey inuu yahay mid culus.
Mr,Farmaajo wuxuu sheegey in Qorshayaasha uu rajeynayo inuu ka bilaabo shaqadiisa ay Kaalinta Koowaad ka dhigi doonaan Hor’umarinta Amaanka oo uu sheegey inay tahay mid muhiim ah,waxaana uu sheegey in Amaanka Muqdisho & guud ahaan dalka uu waxbadan ka qaban doono inkasta oo ay Dawladu meelo kooban maamusho.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub wuxuu sidoo kale Sheegey inuu ku dadaalayo iskuxirka Laamaha qaran ee Soomaaliya taas oo uu sheegey inuu ka bilaabayo wadashaqeyn ay xukuumadiisu la yeelanayso Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya kuwaas oo uu ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Wednesday, October 13, 2010
Md.XUSEEN CALI DUCAALE ( CAWIL ) SIIRAANYO U DHIGAY SHIRQOOL LAGU DILO
Awdalchroniclenews(Hargaysa) 13 Oct.10–Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa caawa ka hadlay dil saaka ka dhacay Gurigiisa magaalada Hargeysa
oo nin hubaysani uu xabad ku dhuftay askarigii ilaalin jiray gurigiisa oo magaciisa la odhan jiray Marxuum-Muuse Biriig Gudde.
Xuseen Cali Ducaale, oo caawa u waramayay Weriyaha Shabakada Wararka ee Hadhwanaag News, wuxuu tafaasiil ka bixiyay qaabkii uu dilkaasi u dhacay waxaanu yidhi “Saaka Abbaaro 8:30 Subaxnimo ayaa gurigayga waxa hortiisa yimid Baabuur yar oo ah nooca Granda ee Indha-caddaha loo yaqaano sadex nin oo saarnaa gaadhigaasi waxa ka dagay laba oo midi gurigayga ayuu gudaha u soo galay, kii labaadna wuxuu daba taagnaa gaadhiga kii sadexaadna darawalkii ayuu ahaa oo Gaadhiga kama uu soodegin. Ninkii gurigayga soo galay yarkii askariga ahaa ee gurigayga ilaalinayay ayaa hor joogsaday ka dibna ninkii askarigaygii ayuu baastoolad uu sitay xabad ku dhuftay sidaasi ayaanu ilaahay ha u naxariistee ku geeriyooday, nimankiina sidaasi ayay ku baxsadeen ooillaa imika lama hayo.” oo nin hubaysani uu xabad ku dhuftay askarigii ilaalin jiray gurigiisa oo magaciisa la odhan jiray Marxuum-Muuse Biriig Gudde.
Wasiirkii hore ee maaliyada oo aanu weydiinay in la garanayo nimanka askariga dilay waxaanu yidhi “Waa la garanayaa oo waxa ciidanka CID-da oo guriga iigu timid oo wax naga qorqorayay waxay nagu yidhaahdeen ninka askariga dilay waa askari ka tirsan ciidanka CID-da. Wali lama hayo ee waxa la sheegay inay sadexdii ninba iyo gaadhigoodiiba ay ku dhuumanayaan magaalada Hargeysa dhexdeeda.”
Cawil Cali Ducaale, wuxuu sheegay in askarigii geeriyooday ay qoyskoodii codsadeen in aan laga aasin waxaanu tilmaamay in maydkii uu yaallo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxaanu intaasi ku daray inay aasi doonaan marka ay u yimaadaan qaar ka mid ah qoyskiisii.
Md. Cawil, oo ka jawaabay su’aal ahayd inay wax dhex mareen iyo in kale ninkan la dilay iyo sadexdaas nin wuxuu yidhi “Wax allaale iyo wax ka dhaxeeyay may jirin waliba ninkani wuxuu ahaa nin askari ah oo edaab badan Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee.”
“Dadka waxay igu yidhaahdeen nimankani Aniga (Cawil) ayay ii socdeen hase yeeshee askariga ayaa u diiday inay galaan qolkii aan ku jiray, dad badan oo asxaabtayda ah ayaa sidaasi qaba,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyaddu Md. Xuseen Cali Ducaale.
Waxa kale, oo uu Md.Cawil xaqiijiyay in ninka dilkan geystay uu hore uga mid ahaan jiray ilaaladiisa hase yeeshee uu sanad iyo badh ka hor ka tagay.
Tuesday, October 12, 2010
Aqooonyahanka Reer Awdal oo markii ugu horeysay waraaaq ka dhan ah Somaliland u gudbiyey Xafiiska sare ee UNta ee ku yaala wadanka Maraykanka.

Newyork(Saylac.com)- Qoraal dheer oo ka dhan ah Jiritaanka Somaliland ayey markii ugu horeysay aqoonyahanka reer Awdal u gudbiyeen xafiiska sare ee UNtu ku leedahay magaalada New York ee cariga maraykanka. Qoraalkan oo nuqulkiisu soo gaadhay shabakada saylac.com ayaa waxa uu ka hadlaayey tacadiga siyaasadeed ee ka taagan Jamuuriyada Somaliland iyo sidii rayulcaalamka loo tusi lahaa sida daran ee xukumada somaliland ay ugu tumatey xuquuqda dadka muwaadinka ah ee Somaliland.
Qormadan oo ahayd mid ku qoran luqadaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabi ayaa nuqulo ka mid ah loo gudbiyey xafiiska UNta iyo Makaxakamada Aduunka. Shabakada saylac.com oo u guurgashay sababta keentey in wakhtigan aqoonyahan reer Awdal uu qoraalo ka dhan ah Somaliland sameeyo isla markaana u gudbiyo wadamada dibada ayaa waxaanu ogaanay in aqoonhayanka reer Awdal ay ka cadhoodeen talaabooyinka halista ah ee dawlada cusub ee Somaliland ay ku kala faquuqayso shacabka somaliland isla markaana culays iyo cadaadis cago juglayni la socoto ku hayso gobolada Awdal iyo Selel.
Waraaqahan ka dhan ka ah Jiritaanka Somaliland oo ay iska kaashadeen 3 aqoonyahan oo waxka dhiga Jaamcadaha dibadu waxay ka turjumayaan dooniska dadka reer Awdal waxayna rayul caalamka u sheegayaan in aanay cadaalad ka jirin Jamuuriyada Somaliland taniyo mudadii uu madaxtinimada dalka qabtey Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu wadanku galay mugdi iyo beelaysi halis galin kara jiritaanka Somaliland.
Sidoo kale aqoonyahanada waraaqda qoray waxay saylac.com u sheegeen inay nuqulo kale u kala gudbiyeen Safaaradaha dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Norway, Itoobiya, Canada iyo Sacuudigu ku leeyihiin dalka Maraykanka.
Nuxurka waraaqdan loo gudbiyey wadamada caalamka waxa ka turjumayey in caalamka loo bandhigo marxalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay Jamuuriyada Somaliland oo ah in xukumada somaliland ayna faraha ku wada hayn sugida xuduudha dalka isla markaana ayna dadku ku wada qanacsanayn saami qaybsiga baarlamaanka iyo golaha wasiirka intaba oo ay sheegeen aqoonyahanadu in 90% ay kasoo jeedaan beesha Isaaqa.
Qoraalka ree Awdal ay markii ugu horeysay u gudbiyeen safaaradaha caalamka waxa kale oo garab socday qoraal iskaguna lamaaneeyey oo ay qoreen aqoonyahano kale kaso jeeda Sool iyo Sanaag oo isaguna tibaaxayey in gobolada bari ay ka taliyaan ciidamada SSC isla markaana ayna aqoonsanayn wax lagu sheego somaliland.
Waa markii ugu horeysay ee aqoonyahan reer Awdal ahi ay qoraan cabasho ka dhan ah xukumad somaliland ka dhisan isla markaana ay halis galiyaan jiritaanka Somaliland.

Monday, October 11, 2010
SANAD GUURADII 10 AAD EE KA SOO WAREEGTAY DILKII GEESIGII REER AWDAL GENERAL YUSUF TALAN

Hadaan wax is ka waydiino general Yusuf Wuxu ahaa nin qaali ah oo somaali oo dhani ay waydey waxase wakhtigan xun si gaar ah u waayey dadkiisa reer awdal iyo salal wuxu u halgamaayey xal u helida qarankii burburay ee somaliyeed,
wuxuuna u shihiiday umada soomaaliyeed oo aan weligeed ilaawin doonin,
General Yusuf wuxuu inbadan isku dayey inuu ka fogaado khilaaf siyaasadeed oo dhex yiil qabiilkiisa Gadaboorsi oo in badani doonaysay nidaamka somaliland inbadanina doonaysay soomaliya waxa se u cuntami waayey in hal qabiil wada qaato talada somaliland oo aan imikaba wada aragno waxa ka dhacaaya waxuuna go'aansaday inuu taageero somaliweyn mase ahayn mid layaab ah maxaa yeelay dadka indheer garadka ka ah ee ka soo jeeda qabiilkiisa gadabuursigu waxay taageersanaayeen somaliya marnaba kuma ay qanacsanayn nidaamka ay ku socoto somaaliland oo aan isku dheeli tirnayn sida loo qaybsaday awooda haday tahay baarlamaan iyo haday tahay wasiiro waxa se taa ku diidanaa dadyar oo dana gaar ah ku watay somaliland iyo odayada gadabuursiga oo doonayn inay wajihaan hadana colaad sokeeye oo dhex marta iyaga iyo deriskooda laakiin waxay ila tahay inay salaadiinta samaroon ay imika aqoonsadeen inaan dhinac kaliye nabada somaliland laga dhisi karin ilaa reeraha kalama qadariyaan nabad ku wada noolaashaha,
Hadaba waxa is waydiin mudan YAA KA DANBEEYEY DILKII Genaral Yusuf Talan?
Sida aan la socono Soomaaliya waxaa lagu dilay dad badan oo u badan culamaa’udiin, aqoonyahano, Saraakiil ciidan, samalfale, ganacsade iyo in badan oo aan magac (degree) wadan balse gardaro lagu gumaaday, dilalkaas fool xumada leh ayaa wali laheyn cida ka danbeysa si loo taago xukun cadaalad leh maadaama ay ayagu yihiin kuwa daba gura inta yar ee dalka ka muuqata .
Dilalkaan oo ahaa kuwa qorsheysan hadana aan horey loo arag ayaa ilaa iyo hadda laheyn cidda ka danbeysa dilalkaas qorsheysan waloow ay jiraan shakiyo iyo far ku taag badan oo laga muujiyey kuwa ka danbeeya dilalkan, balse ilaa hada ayaan dhicin akhristow in dhib la gaarsiiyo ama la gaarsiiyay kuwa umadda aafada u soo jiiday oo ay ugu horeeyaan qab qablayaasha dagaalada ooga, qaadicul dariiqyada dadka furta iyo kuwa qeyraadka dalka ku iibsada qiimo aan qaayo ku fadhiyin.
Hadaan hadaba ka jawaabno yaa dilay general yusuf talan ? sida aan rumaysanahay ama dadbadani qabaan amase ila xog ogaal ahi sheegeen waxa ka danbeeyey SOMALILAND IYO EITHOPIA oo iska kaashaday kuna bixiyey lacag si loo dilo general ka dawlada eithopia waxay hore uga digtay yusuf talan inuu qas ku abuuro somaliland markii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990 kii talan iyo saraakiil badan oo reer borama ah oo u soo socday inay yimaadaan dhulkii ay u dhasheen waxa laga afduubay dhexda waxana shiraako ku ahaa afduubkaa General caydiid oo xidhiidh la lahaa SNM iyo dawlada eithopia oo labadaba xidhiidh la lahayd waxayna u xusul duubayeen inaanay saraakiisha ciidamada ee gadabuursigu ayna abaabulin wax ka soo hor jeeda SNM waxayna afduub ku kaxaysteen General yusuf oo mudo danbe ay soo daayeen waxayna la galeen heshiis inuusan isku dayin inuu ka hor yimaado jabhadii QABIILKA KA KOOBNAYD ee SNM sidaa ayuu General yusuf iskaga ilaaliyey inuu ka hor yimaado Somaaliland, hadaba markii siyaasada soomaliya waji kale yeelatay waxyaaba badanina iska bedeleen wuxu isku dayay inuu hadaba la jaan qaado isagoo og in eithopia iyo somaliland ay isku xidhan yihiin, waxa kaloo marag ma doon ah dilal badan oo ka dhacay muqdisho oo loo gaystay saraakiil ciidamadii hore ee soomaliya kuwoogii ugu qaali sanaa inay ka danbaysay Eithopia oo halgan ugu jirtay inay dhamayso saraakiishii hore ee soomaaliya,
Waxase aan marna la ilaawi karin ma'aamaradii qorshaysnayd iyo DILKII LOO GEYSTAY GENERAL YUSUF AXMED TALLAN, waxan maqaalkayga ku Soo gunaanadayaa in somaliland marna dafiri karin door ku yeelashada dilalka qorshaysan ee ka dhaca soomaaliya waxana moron ku jirin in maalin uun cadaalada la hor keeni doono kuwii ka danbeeyey dilkiisa.
Friday, October 8, 2010
KELIGII TALIYE SIIRAANYO OO DHALIYARO REER BOORAMA AH KU XIDH XIDHAY AWDAL

SULDAANADA HARGEYSAADOW WAXAN IDINLEEHAY CAGTA U YARA DHIGA AWDAL
Suldaannada Reer Hargaysaad midkood waxaan leenahay waan kaa aqbalay taladii aad noo soo jeedisay haddii aannu nahay reer Awdal. Laakiin Suldaan, hajabaadda naga daaya .waxase wanaagsan in aad marna Reer awdal la hadasho oo aad u sheegto wixii aad isleeday way ku qaldanyihii, marna aad u hadasho oo waxa ay ka cabanayaan bal in yar aad si fiican u yara dhegaysato. Oday Siilaanyona waxaa wanaagsanyd in aad woxoogaa u caqli celisaan oo aad u sheegtaan meelaha boogaha leh, si uu farta uga ilaaliyo. Waddanka iyo jirtaankiisuna waxa uu ku qurux badanyahay in si wanaagsan cid kastaa ugu noolaato iyada oo waliba daacad dareemaysa, oo aanay cidina aaminsanayn in cidba ka xigto waddanka amma ka sheegan kartaba. “Sarmo badan dhibiibi baa lagga qaadaa” dhibiibiduna waa dhiig bax, looma baahna in meelo badan la iska saro, waxaan ku baaqayaa oo aan ku talin lahaa in cabashooyinka jira loo dhaga nuglaado oo sidda ugu deg dega badan wax looga qabto, maal iyo mansab dadka ma wadda deeqo laakiin ummadda waxaa wadda deeqa waa cadaalad iyo sinaan, cadaaladuna waa furaha nolosha, noloshuna cadaalad la,aanteed mid dhismeysa maaha, haddii aan tilmaam iyo tusaale gaaban ka bixiyo dhinaca cadaalada waxa weeyi dawladii macalinka kacaanka halkey u dhimatey waxey ahayd cadaalad daro iyo dad muwaadiniin soomaaliyeed ah oo xaq wixii ay u lahaayeen laga duudsiye, maantana Somaliland uma baahna in ay jidkaas oo kale ku dhacdo, bulshadda caalamku waxey inagu daawanayaan diirad gaara waxaa loo dhaga nugul yahay oo beesha caalamku la socotaa jabaqda dhacda iyo talaabiiyinka aynu qaadno, waa in aan si mideysan u xoojino
1- Nabadda
2- Cadaaladda
3- Sinaanta
4- Ixtiraamka iyo
5- Kala dambeynta
Run ahaantii waa la inoo hanweyn yahay ee yaynaan noqon doqontii xabadii laxooxda ahayd ee ugu dambeysey ka kacda, aniga oo xog ogaal u ah isbadalada siyaasadeed iyo doorashooyinkii dalka ka dhacey waxaan leeyahay ismaan lahayn waxaad maanta ka hadli doontaa amniga iyo sinaanta ee waxaa ii diyaarsanaa oo aan daraasad dheer ku sameynayey sidii aynu u sii anbo qaadi lahayd kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha aasaasiga u ah jiritaanka bani,aadmigga laakiin waxaa i qalin daarey oo iga horjoogsadey talooyinkii aan xukuumadda jirta ku soo kordhin lahaa ee dhinaca dhaqaalaha, horumarka, macdanta dhulka iyo abuuristii shaqada dhalinyarada iga soo dhex galey sanqadha baxeysa ee ka baxeysa labada cidhif ee Somaliland, taasna mid aan diyaar u nahay maaha, waxaan ku talin lahaa maddax meel u sareysa oo la salaaxaa ma jirtee arrimahaas in si wanaagsan loo xaliyo oo qof kasta oo Reer Somaliland ah xaqiisa oo xalaal ah la siiyo si aaney sanqadhaasi u sii socon waxaanan xukuumadda Somaliland kula talinayaa in ay hoos u eegaan dhaliilaha iyo cabashooyinka ay tabanayaan dadka degan Awdal iyo Salal waxaa kale oo aan xukuumada ugu baaqayaa in ay u dhago nuglaato hadalada wanaagsan ee ka soo baxaya salaadiinta Gobolada Awdal iyo Salal, Waxaanan si buuxda u taageersanahay go,aankii ay gaadheen Salaadiinta iyo maddaxdhaqameedka Gobolada Awdal iyo Salal”.
ugu danbayn waa in xukumada Somaliland ogaataa in dalkan aanay cidkaliya ahi ku amar ku taaglayn karin ee la wada leeyahay dadkana ay isku keentey dan guud oo ka dhexaysi hadii dantaa la waayana ay arintu ku danbayn doonto in lala kala noqdo wixii lagu heshiiyey oo ahaa midnimada Somaliland oo cadaalad ku dhisan.
Haddiise dhinac kali ah uun aad u wada dullaantaan, mid dawlada iyo mid suldaan ahba waxaan u arkaa in aanay ahayn cadaaladdii ahayd( qul lil xaq walow kaana mur), laakiin ay tahay caadifad qabiil.
Madaxwyanuhuna lababa wuu samayn karaa inuu ummadda uu hoggaaminayo ummaddiisa bara waddaninimada, walaalnnimada iyo akhlaaqada wanaagsan sidii ninkii la odhan jiray Nayreeri ee Tanzaniya xukumi jiray. Madaxweynahaasi waxa uu dadkiisa ( muslimeen iyo gaalaba ) ka wada dhaadhiciyey in ay yihiin dad walaalo ah oo waddanka wada leh. Oday dhaqameedyaduna ay dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka fiirsadaan oo aanay dawladnimada iyo nidaamka bulsho qas gelin.
Laakiin waxaa nasiib darro ah in suldaannadii bahwaynta somaliland ay mar kali ah u kala hadhiwaayaan canaanta Suldaannada Reer Awdal, ee runtii ka hor tegay mudaaharaad dhici lahaa maalintaasi oo iyagu isku xilsaaray in ay joojiyaan, ka dibna ka hadlaan tabashada Reer Awdal. waxaase ka sii xun reer awdalka mucaaradada sameeyey suldaanka ku taliyey awdal oo dhan Ethopia laga kareeyo. Taasi oo aan meella ka soo gelayn sharciga dawladaha iyo dastuurkeenna. Sheekaduna ay iska tahay…iska hadlow iga higirre.
Lase yaabi maayoo cadhadii Maryo aloolka ayaa wali ku jirta oo shaqdiisuba waxa ay tahay ninkii wax sheegtaba ha la weeraro weeyi xaalkiisu ,waana suldaan dhagareed lana yaabi maayo isaga oo waxa uu ku caan baxay fimo abuurnimada .ee bal suldaanka kalow adeer ilaahay baan kugu dhaarshee mid kee daran kani Awdal ee leh somaliland baan ahay ee cadaadiska iga daa. iyo suldaan dhagareedka arrintiisu marayso Reer awdal ma caban karaan haddii cabasho keenan Ethopianka ku wareejiya. Laakiin waxa uu ilowsanahay Ethopiada uu noogu hanjabayo qaar badan oo reer Somaliland ah ayaa si sharf leh ugu dhex nool oo xaqooda oo buuxa ku haysta markaasi mala waxay u ekaanaysaa arrintu mar haddii suldaannadii reerka ugu tunka weynaa sidaasi ku taliyeen. Bal ka warama intaad Ethobiayaa iyo Reer Awdal isku khuukhinaysaan . Haddii aan anakuba idiin fududayno hawsha oon killinks shanaad iska xaadirino. Si aan inta Somaliyi isku imanayso aan halkaa ku ammaan hello. Mase la socotaan in intayada badani aan Ethopia deggennahay. Oo malaha ayba noo fiican tahay in aan dawladdaasi guunka ah ku hoos noolaanno. Waayo waxaan filayaa sida uu Suldaanku u hadlay in ay Somaliland maanta ka maarantay awdal iyo dadkeedaba.
Isku soo wada duub dabacsanaan iyo xikmad ayaa la rabaa in lagu wada shaqeeyo midna xisaata ku darsada xikmadii hore loo yidhi.
Sida gabaygani
ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho .
masala ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
MUSLIN KUMA CABIIDSAMO WALOON MADAXA KAA GON
AO Ibrarhim
Omersharif40@gmail.com
Thursday, October 7, 2010
SAYLAC IIB MAAHA SULDAANKA ISAAQ HA IIBIYO BERBERA
Salaadiinta reer Awdal iyo Salal ayaa si geesinimo ah uga gilgishay riyada ka soo yeedhay nin lgu sheegay inuu suldaan guud u yahay Qabiilka Isaaq, Hadalkaasise uma muuqan wax ka soo yeedhay nin suldaan ah,dhaqanka soomalida suldaan waa nin aad u caqli badan,mana aflagaadeeyo dad kale,wuxuuna mar kasta ka shaqeeyaa siduu iskugu soo dhawayn lahaa dadka iskhilaafsan,kanise wuxuu ka shaqaynayaa shar,balse haduu dhul iibinayo waxa haboon inuu iibsho dhulka isagu uu leeyahay mase aha inuu iibsho dhul uuna shaqo ku lahayn, hadaba todobaadkan salaadiinta reer awdal waxay muujiyeen isku duubni aan looga baran,siiraanyo iyo kuwa jecel inaay jalaafo u dhigaan reer awdal iyo salal way ku hungoobeen siday moodayeen reer awdal wakhtigan gacmaha ayay is haystaan waxna ma kala laha horta cadawga ayaan iska celinnaynaa somaliland na lagama iibinaayo xabashi
EEG SULDAANKA ISAAQ EE YIDHI SAYLAC XABASHIDA HA LAGA IIBIYO MIYUU KUULA EEG YAHAY WAX FAYAW?
waxa aan shiki ku jirin indhihiisa inay ka muuqato xashiishad waana in la baadho markuu hadalkaa lahaa inuu fayoobaa.
Monday, October 4, 2010
WAXAAD KA MID NOQON KARTAA GEESIYIINTA REER AWDAL IYO SALAL

Sunday, October 3, 2010
QOSOL MARABTAA
Best Jokes ~ refrigerator
It got crowded in heaven, so, for one day it was decided only to accept people who had really had a bad day on the day they died. St. Peter was standing at the pearly gates and said to the first man, "Tell me about the day you died."
The man said, "Oh, it was awful. I was sure my wife was having an affair, so I came home early to catch her with him. I searched all over the apartment but couldn't find him anywhere. So I went out onto the balcony, we live on the 25th floor, and found this man hanging over the edge by his fingertips. I went inside, got a hammer, and started hitting his hands. He fell, but landed in some bushes. So, I got the refrigerator and pushed it over the balcony and it crushed him. The strain of the act gave me a heart attack, and I died."
St. Peter couldn't deny that this was a pretty bad day, and since it was a crime of passion, he let the man in.
He then asked the next man in line about the day he died. "Well, sir, it was awful," said the second man. "I was doing aerobics on the balcony of my 26th floor apartment when I twisted my ankle and slipped over the edge. I managed to grab the balcony of the apartment below, but some maniac came out and started pounding on my fingers with a hammer. Luckily I landed in some bushes. But, then the guy dropped a refrigerator on me!"
St. Peter chuckled, let him into heaven and decided he could really start to enjoy this job.
"Tell me about the day you died?", he said to the third man in line.
"OK, picture this, I'm naked, hiding inside a refrigerator...."

Subscribe to:
Posts (Atom)